Gar-haye Posted May 14, 2008 Ethiopia: 7 Qof oo ay cidamada Dawladu ku dileen tulada Mudha e deg. Qabribayax iyo 2 Qof oo ay Somaliland u soo dhibtay Itobiya05/13/08 Jijiga(Kilil5)---Wararka aanu ka helayno Degmada Qabribayax ayaa sheegaya in tuulada Mudha oo wax yar uun kaga began dhanka galbeed degmada qabri bayax ay ciidamada dawladu ku dileen 7 qof oo shacaba. Todobadan qof ayaa la sheegayaa inay 5 ay kasoo jeedo Beesha Abaskuul ee dagta aagaas halka labada kalena ay ahaayeen maalin guur ********. Shantan qof ee isku beesha ah ayaa la sheegayaa inay sadex kamid ahi walaalo ahaayeen. Lama garanaayo ilaa hada sababta ay ciidamada dawladu u laayeen dadkan shacabka ah balse wararka halkaas naga soo gaadhayaa waxay tibaaxayaan in ciidamadu ay hawlgal ugu bexeen agaas iyadoo dhawaan lagu dilay mid kamida ciidamada booliska. Ciidamada ayaa la sheegayaa inay goor subaxa ay rasaas ooda kaga qaadeen dadkan shacabka ah oo u badnaa beeralay halkaasna ay rasaastii ku dishay todobadan qof. Warar kale oo aanu iyagana ka helayno xuduudka uu deegaanku la wadaago jamuuriyada Somaliland ayaa sheegaya in 2 dhalin yaro ah oo u dashay deegaanka ay dawlada Somaliland u soo dhiibtay ciidamada dawladan itoobiya. Labadan nin mid kamidi ahaa Inan la yaal ayaa ka shaqaysanaayay caasimada wadankaas ee Hargaysa. Mid kamida ayaa la sheegayaa inuu ahaa Sarifle halka kakalena uu lahaa Huteel Jiifa. Lama garanaayo sababta kadambaysa soo dhiibida labadan qof balse waxaa la filayaa in lagu tuhmay inay xidhiidh la leeyihiin jabhadaha mucaaradka. Waxaa dhawr bilood ka hor ay dawlada Somaliland sidoo kale soo gudbisay 11 nin oo u dhashay deegaankan oo hawlo kala duwan u joogay dalkaas balse markii wax dambi ah lagu waayay dib loo siidaayay. Kilil5 Online these actions are against the ideals of the Somali people, the universal declaration of the human rights, the international covenant of civil and political rights, the Convention and Protocol Relating to the Status of Refugees, the Convention Against Torture, and most importantly the rights of the Muslim on another Muslim when his oppressed and driven out of his homeland. by disregarding such reprehensible tactics the populations that reside in these region risk alienating the people of Somaligalbeed and encouraging further human rights abuse against themselves and those who come to them as guests. additionally these action will only embolden the apatite for those who profiteer from human beings and will certainly compromise the freedoms of the people of Somaliland and lead to mini police state that serve the whims of the Ethiopian secret services. Extraordinary rendition such as these will subvert the atmosphere of mutual cooperation that exist between the people of Somaliland and Somaligalbeed and lead tribal wars and unnecessary unrest and the erosion of the Somali culture that dictates the honor, protection and safe passage of the traveler and neighbor. The people of Somaliland need to stand against these injustices and proclaim these actions are done against their consent and their believe as Muslim population. Embarrassing this administration for these abominable actions and revealing that they are acting against the rule of law is one method to preventing or discouraging the profiteering of human beings. I am sure the people of Somaliland aren't any less honorable then the people of Puntland who today stood up to save there honor and dignity by preventing further kidnapping of the innocent people that reside amongst them. Kudos to the ulama and people of puntland. check below. Ciidamada P/Land ee ku sugan gegida dayuuradaha ee magaalada Boosaaso ayaa xoog kaga kaxeystay madaarka magaalada Boosaaso shan nin oo diyaarad kaga yimid dhanka Jabuuti kuna socday magaalada Boosaaso. Ciidamada raggan afduubay oo amar ka heystay ku xigeenka Cadde Muuse oo lagu magacaabo Xasan Daahir Af-qudhac ayaa isla judhiiba raggaas shanta ah ula dhaqaaqay dhanka magaalada Garoowe oo ay ku sugan yihiin saraakiil xabashi ah oo loo maleynayo iney halkaa u joogaan gacan ku dhigista ciddii maamulku uga soo afduubo gobollada Puntland. Qaar ka mid ah waxgaradka, culamaa’uddiinka iyo acyaanta ku sugan Boosaaso ayaa dadaal adag u galay sidii ay raggaas uga badbaadin lahaayeen gacanta ciidamada puntland, iyagoo waxgaradka iyo culimaa'uddiinkaas wacad ku maray inay kalsoonida kala laabanayaan maamulka Puntland isla markaana ku dhawaaqayaan in aysan Puntland ka jirin kala dambeyn iyo maamul toona haddii raggaas xabashida loo dhiibo. Ilo xogogaal ah oo kamid ah qeybaha bulshada ee arrintaa kala xiriiray maamulka P/land ayaa Beerdhiga u xaqiijiyey in raggan laga qabtay gegida dayuuradaha Boosaaso abaaraha duhurnimadii Talaadada, isla galabkiina loola carraabay dhinaca Garoowe halkaas oo ay ku sugan yihiin saraakiil Itoobiyaan ah oo halkaa u jooga howlo ay kamid tahay afduubidda dadka socotada ah iyo shacabka ku dhaqan gobollada lagu magacaabo Puntland. Xasan Daahir Af-qudhac, oo ah ninka amarka ku bixiyey afduubka raggaas shanta ah ayaa ku andacooday in raggaas ay khatar ku ahaayeen amniga iyo xasilloonida Puntland sidaas aawadeedna ku adkeystay in uu u gacan gelinayo saraakiisha gumeysiga xabashida ee fadhigoodu yahay magaalada Garoowe. Xasan Daahir Af-qudhac ayaanan haba yaraatee soo bandhigin wax caddeymo ah oo la cuskan karo, tilmaamayana in raggaasi ay khalkhalinayeen amniga gobollada Puntland. Dhinaca kale dadaallo ay sameeyeen waxgaradka, culamaa’uddiinka iyo acyaanta magaalada Boosaaso ayaa ku guuleystay inay raggaas si dirqi ah dib ooga soo dhigaan ciidamadii la aaday magaalada Garoowe, iyagoo ay ragggaasi haatan ku sugan yihiin magaalada Qardho, laguna wado in isla berriba dib loogu soo celiyo Boosaaso. Waa markii saddexaad muddo qiyaasta saddex usbuuc gudahood ah oo isku day ceynkan oo kale ah uu maamulka Puntland ugu gacan galinayo ciidamada xabashida, rag deegaan ahaan iyo dhalasho ahaanba kasoo wada jeeda beelaha dega gobolka S/Galbeed ee xabashidu gumeysato, isuguna jiray qaar soo maciinsaday gobollada Puntlnd halkaana muddo degganaa iyo qaar halkaa socoto ku ahaa. www.Beerdhiga.com Quote Share this post Link to post Share on other sites