Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo digniin culus u jeediyey Hey’adaha Samafalka ee ka shaqeeyo deeganada Jubblanad

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in Maamulkiisa uu la xisaabtamayo Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala Deegaanada Maamulka Jubbaland.

Waxa uu sheegay in asyan muhiim aheyn in ay hay’adahu ay isugu daraan Sahqooyin horay loo qabtay balse ay muuhim tahay in ay qiimeeyaan baahida jirta kadibna ay Bulshada wax u qabtaan.

Waxa uu madaxweyne Axmed Madoobe ku amray hay’adaha ka howlgalla deegaanada Maamulka Jubbaland in tallaabo kasto oo ay qaadayaan in ay maamulka ku wargeliyaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Hay’adaha Samafalka ku dhaliilay in Warbixino Been abuur ah ay gudbiyaan, halka qaarkoodna aanan toos u bixin Gurmadka ay wadaan.

Maamulka Jubbaland ayuu sheegay in uu go’aansaday la Xisaabtanka Warbixinada ay Soo saaraan Hay’adaha, Kaalmada ay Dhiibaan iyo Meelaha ay ku bixinayaan oo ay Goob joog ka noqonayaan.

Waa uu sii hadlay waxa uu sheegay in la socodkaan ay sabab u tahay in Hay’adaha Samafalka ay isku kireystaan Guryo iyo Maleeshiyaad ay isku heeb yihiin Milkiilaha ama Mas’uulka Guriga ay kireysanayaan.

Waxa uu isweydiiyay Sida ay u sugi karaan Ammaanka Xubnaha Hay’adaha, Maadaama uu sheegay in Qaarkood ay suurta gal tahay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab ama aanan Aqoon habka Ammaanka loo sugo.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Maamulka Jubbaland uu soo dahweynayo cidkasta oo dooneysa in ay wax u qabato bulshada ku nool deegaanada Jubbaland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this