Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: RW Kheyre oo wada qorsho adag oo xilka looga  tuurayo Taliyaha NISA (Maxaa soo kordhay?)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka helnay illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaya inuu socdo qorsho xilka looga qaadayo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya NISA, Xuseen Cismaan Xuseen.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in Taliyaha NISA oo ka tirsan baarlamaanka Somalia uu diiday inuu iska casilo xubinimadiisa baarlamaanka Somalia, kadib markii la hordhigay in labada dhan uu midi u go’o.

Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa inoo xaqiijiyay in Xuseen Cismaan Xuseen laga dalbaday inuu iska casilo xubinimada baarlamaanka hase ahaatee uu diiday, maadaama uusan kusii nagaan doonin xilka uu hadda hayo.

Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in Taliyaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen ay sidoo kale ku adag tahay inuu sii wado howsha amni maadaama uusan laheyn khibrad amni oo suura galinkarta in xiligaan wax looga qabto xoogaga xagjiriinta ah ee al-Shabaab.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in qorshaha magacaabida Xuseen Cismaan Xuseen uu ahaa mid  looga gudbaayay xasarad Siyaasadeed oo markaa jirtay kadib weerarkii lagu qaaday Hooyga C/raxmaan Cabdi Shakuur iyo qeyla dhaanta Mucaaradka oo aheyd mid cirka isku shareertay.

Xuseen Cismaan Xuseen, oo Siyaasad ahaan aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo iyo R’isul wasaare Kheyre, ayaa sidoo kale xilka NISA loogu magacaabay sida uu kaalin weyn uga qaadan lahaa riditaankii Ex Gudoomiyihii baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo uu kaalin mugleh ka qaatay.

Taliyaha Nabadsugida ayaa iminka lasoo sheegayaa inuu ku dhagan yahay xubinimada baarlamaanka Somalia oo uu kusii shaqeyn doono inta ka harsan dowlada hadda jirta, halka xilka uu ka hayo NISA ay tahay mid ku siman keliya Qaxyo ka dhacaa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo la kulmay Taliyaha ciidamada NISA ayaa la xaqiijiyay inuu fursad usiiyay doorashada Xubinimada BFS ama NISA.

Si kastaba ha ahaatee, Taliyaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen, ayaa lagu wadaa inuu kala xusho BFS yo NISA, iyadoo Guddiga doorashooyinka Qaranka ay yihiin kuwo u xayiran go’aan ka gaaristiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho 

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this