Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Shabaabka Kenya oo ku kala qeybsamay hal feker oo la isku mari la’yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dhanka Dowlada Kenya ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka dhex taagan yahay Hogaamiyaha kooxda Kenyaanka ee ka tirsan Al Shabaab Ahmed Iman iyo Maleeshiyaadka ka hoos shaqeeya.

Khilaafka Hogaamiyaha iyo Maleeshiyada ayaa la sheegayaa inuu dhashay kadib markii ku-xigeenkiisa uu is hortaag ku sameeyay qorsho looga go’i lahaa al-Shabaab.

Khilaafka Ahmed Iman iyo ku-xigeenkiisa oo gaaray heerkii ugu xumaa ayaa sababay in maleeshiyaad ka tirsanaa garabka ay isku dhiibaan Dowlada Kenya.

Sarkaal ka tirsanaa maleeshiyada oo u gacan galay Sirdoonka Kenya ayaa laga soo xigtay in Hogaamiye Ahmed Iman iyo Ku-xigeenkiisa oo isna Kenyan ah ay ku kala nool yihiin laba dhinac, halka Maleeshiyaadkoodana uu leeyahay xuduud.

Waxa uu sheegay Sarkaalkan in xiliyada qaar uu isku dhac dhexmaro Hogaamiye Ahmed Iman iyo ku-xigeenkiisa oo ku kala qeybsamay Hanaanka shaqo ee al-Shabaab.

Sarkaalkaan oo dowlada Kenya isku dhiibay ayaa carab ***** in Axmed Iman uu doonaayo inuu ka madax-banaanaado al-Shabaab, halka ku-xigeenkiisa uu doonaayo in laga sii mid noqdo al-Shabaab.

Hogaamiyaha kooxda Kenyaanka ee ka tirsan Al Shabaab Ahmed Iman, ayaa wata maleeshiyaad lagu khiyaasay 30 ilaa 50, halka Ku-xigeenkiisa uu wato Maleeshiyaad dhan 70, waxa uuna uuna Siyaasad ahaan aad ugu dhowyahay Hogaamiyaha sare ee al-Shabaab Abuu Cubeyda.

Kenya ayaa gacan u fidineysa Maleeshiyaadka kasoo goosta al-Shabaabka uu horkacaayo Axmed Iman Ali, kuwaa oo ku Hingoobay Khilaafyada ka dhex jira al-Shabaabka Kenya.

Sidoo kale, Dowlada Kenya ayaa ka faa’iideysaneysa kala geynta Maleeshiyaadka, waxa ayna iminka ciidamo farabadan geystay dhulka Keymaha ee Boni iyo Keymo kale oo la rumeysan yahay inay ku go’doonsan yihiin Maleeshiyaaddhowr ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn sida uu arrinku noqon doono, waxa uuna Khilaafka Axmed Iman iyo garabkiisa kusoo beegmayaa iyadoo uu Xanuun la jiifo Hogaamiyaha guud ee al-Shabaab Abu Cubeyda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this