Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xagee ku danbeeyeen qoryihii casriga ahaa ee uu Turkiga ugu deeqay DF?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Keydka Hubka dowlada Somalia laga saaray qoryo ay dhawaan ku wareejisay Dowlada Turkiga.

Qoryahaan oo si khaasa loogu wareejiyay Wasaarada Difaaca dalka iyo Amniga ayaa lasoo sheegayaa inaan gacan lagu heyn, iyadoo ciidamadii loogu tallo galay aan wali lasiin.

Qoryahaani oo casri ah ayaa tirro ahaan dhan 450 qoryaha nooca Fudud ee casriga MPT-76, kuwaasoo lagu farsameeyo dalka Turkiga, iyadoo ujeedka loo siiyay Dowlada ay aheyd inay isaga caabiso Maleeshiyaadka al-Shabaab iyo qeybaha kala duwan ee Cadowga.

Qoriga MPT-76 ayey Khubaradu sheegeen inuu wax ka dili karo masaafo gaareysa illaa 600 oo mitir, kaa oo aad uga dheereeya qoryahay kale sida AK47 oo inta badan ay isticmaalan ciidamada Dowlada, waxaana xusid mudan in qoryaha la la’yahay aanu heysan inta badan dalalka Africa.

Sidoo kale, waxay sheegeen in qorigaasi halkii ilbiriqsi laga ridi karo 700 ilaa 800 oo xabbadood, iyadoo ciidamada ilaalada madaxtooyada Somalia uu qorshaha ugu weyn ahaa in lasiiyo, hase ahaatee aanu suuragalin.

MPT-76 ayaa noqonaya qorigii ugu casrisanaa ee loo gacan geliyo dowlada Soomaaliya tan iyo markii ay meesha ka baxday dowlada dhexe ee milateriga 27 sano ka hor.

Warar madax-bana ayaa sheegaya in qoryahaani laga hayo keliya tirro la sheegay in lagu tababaraayo ciidamada iminka ku xareysan Xerada Turkiga ee ku taal duleedka magaalada Muqdisho, kuwaa oo weli ay mas’uul ka tahay Turkiga.

Sidoo kale, Qoryaha la la’ yahay ayaa horay loogu wareejiyay Dowlada si ay ugu kabato qoryo kale oo loo siiyay qaabab kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaa inta badan lagu eedeeyaa inay ka gaabiso iska xil saarida Hubka iyo Hantida lagu amaaneeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this