Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo amartey in la hakiyo isu socodka Garoowe iyo Laascaano.

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoraal kasoo baxay guddiga difaaca Puntland ayaa lagu amrey laamaha kala duwan ee booliska inay fuliyaan amaro ku saabsan hakad la galinayo isu socodka wadada u dhaxaysa Garoowe iyo Laascaano gaar ahaan goobaha colaaduhu ka jiraan oo ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland.

Qoraalka guddiga ayaa si gaar ah loogu tilmaamay in la xanibo gadiidka shidaalka sida ee isaga kala goosha Laascaano iyo Garowe, iyo in gabi ahaanba laga celiyo shacabka u socda ama tagaya goobaha colaadu ka jidho.

Warbaahinta PUNTLAND POST oo heshay nuqul ka mid ah qoraalka kasoo baxay guddiga difaaca Puntland ayaa u qornaa sidatan hoos ku cad.

Xaaladda ka jidha deegaanka Tuka-raq oo ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland ayaa laga dareemayaa saansaan colaadeed, Iyadoona laga cabsi qabo dagaalo qaraar oo ka dhex qarxi kara labada dhinac xilli kasta.

33116162_1815859222041316_87000143632783Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Puntland oo amartey in la hakiyo isu socodka Garoowe iyo Laascaano. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this