Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyada iyo qabiilada saddexda nin ee isku haya hoggaanka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Hoggaanka kooxda ayaa aad uga walaacsan xaaladda amiirkooda Axmed Cumar Abu Cubeydah, oo laba killi aad uga xanuunsanaa muddo lix bilood ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo sirdoon. Halkan ka aqri warkaas.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in xaaladdiisa ay aad u liidato, ayna mareyso heer ay ku xigeenadiisa iyo golaha shuurada kooxda ka doodaan cidda beddeli doonta, taasina ay hoggaamisay muran xooggan iyo loolan adag.

Golaha shuurada oo qaabilsan go’aan ka gaarista cidda qabaneysa hoggaanka kooxda ayaa ka kooban sideed xubnood, waxaana ku jira rag ay ka mid yihiin; Mahad Karate oo hoggaamiya qeybta sirdoonka kooxda ee Amniyat loo yaqaan, Macallin Cusman oo hoggaamiyaha ciidamada lugta ee kooxda, iyo Cali Dheere oo ah afhayeenka kooxda.

Saddexdan nin ayaa la sheegaya in hadda uusan wax hadal ah dhex marin, oo ay ad u kala carreysan yihiin.

Musharaxiinta xilka u taagan waxaa ka mid ah:

Mahad Karate: Waa madaxa qeybta sirdoonka ama Amniyaatka kooxda, waxa uuna kasoo jeedaa beesha Ceyr ee Habar-gidir. Markii uu dhintay Axmed Godane, ayuu xilkan aad u doonayey, hase yeeshee golaha shuurada kooxda ayaa dhinac maray, una doortay hoggaanka Axmed Cumar Abu-Cubeydah.

Cali Dheere: Waa afhayeenka kooxda, waxana uu kasoo jeeda beesha Murusade, gaar ahaan Sabti, Abakar. Cali Dheere markii hore ma lahayn han hoggaan, hase yeeshee kooxda oo sii daciifeysa, islamarkaana lumisay rag badan oo caan ah kana miisaan cuslaa darteed, ayaa ay u muuqata inaysan hotaagneyn dad badan oo la loolami kara.

Xuseen Cali Fiidow: Waa madaxa wilaayaadka ama madax maamul goboleedyada kooxda. Waxa uu sidoo kale qaabilsan yahay qeybta maaliyadda kooxda. Waxa uu kasoo jeeda beesha Murusade, gaar ahaan Fool-culus, Habar Maxamed, Hillibi. Wararka ayaa sheegaya inuu isku dayey inuu afgambi ku sameeyo Abu Cubeydah, islamarkaana uu dil u qorsheeyey, hase yeeshee Abu Cubeydah uu dirqi uga baxsaday kana fakaday.

Dadka fallanqeeya arrimaha argagixisada ayaa xanuunka Abu Cubeydah iyo khilaafka ku saabsan cidda beddeli lahayd, u arka fursad ay ka faa’iideysan karto dowladda Soomaaliya, oo weeraro iyo dagaal culus ay kooxdan ugu qaadi karto.

Warbixintan waxaa dabaacday hay’adda Terrorism Monitor 

Caasimada Online
Xafiiska Naiorobi
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this