Deeq A. Posted May 21, 2018 Biyaha Fataahada Gobolka Hiiraan ayaa xiray Buundada isaga kala gooshta Magaalada Buulo Barde ee xarunta labaad ee Gobolka Hiiraan. Biyaha Wabiga ayaa Buundada Gudaha u soo galay iyaga oo dadkana ay cabsi ka muujinayaan iyaga oo sheegay in ay Ka Cabsanayaan bahalo laga yaabo in ay biyaha soo raacaan. Dhanka kale shacabkii magaalada Buulo Barde ayaa qaarkood ka barakacay guryihii ay ku sugnaayeen kadib markii wabiga uu fatahaad sameeyay. Shacabka ayaa codsanaya in la la soo gaaro gurmad deg deg ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Buundadii Buulo Barde oo Fahaatada Biyaha ay Xireen appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites