Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF ee Muqdisho oo hal arrin lagu haysto loona diray digniin culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, Maxamad Ducaale Isloow, ayaa ku baaqay in ciidamada Xasilinta Muqdisho ay si wanaagsan ula dhaqmaan dadka shacabka ah.

Wasiir Ducaale, waxa uu sheegay inay jiraan shaqsiyaad doonaaya inay ku dheelan sumcada ciidamada iyo shacabka ee wada shaqeynta ka dhexeyso, hase ahaatee waxa uu ku baaqay in ciidamada ay mar waliba sii wanaajiyaan la dhaqanka shacabka.

‘’Ciidamadu waa inay ogaadan wanaaga shacabka Askarigu ma shaqeynkaro haddii uusan ku dhex nooleyn shacab wanaagsan’’

Wasiir Ducaale, waxa uu tilmaamay in xiliyada qaar ay dhacdo in ciidamada ay si xun ula dhaqmaan dadka shacabka ah, hase ahaatee ay diyaar u yihiin inay la xisaabtamaan askari waliba oo fal danbiyeed geysta.

Wasiir Ducaale, waxa uu sheegay in dhibaato waliba oo ay geystaan ciidamada ay kula xisaabtami doonaan Taliyayaasha iyo Saraakiisha maamusha ciidamada falka geysta.

‘’Sharciga ayaa ka sareeya cid waliba dhacdo waliba oo uu geysto askari waxa uu u mari doonaa sharciga, waxaana kala xisaabtami doonaa Saraakiisha nooga mas’uulka ah’’

Sidoo kale, Wasiir Ducaale, ayaa dadka shacabka ah ka codsaday inay la shaqeeyan ciidamada amaanka si looga hortago dhibaatooyinka ay maleegayaan maleeshiyaadka al-Shabaab.

Haddalka Wasiir Ducaale, ayaa kusoo beegmaaya xili magaalada Muqdisho ay ka jiraan cabsiyo ku aadan in maleeshiyaadka al-Shabaab ay geystaan weeraro ay ku daadinayaan dhiiga dadka sooman ee ku jira maalmaha cibaadada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this