Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Xasan Daahir ka aaminsan yahay madaxda labada baasaboor leh?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shiikh Xasan Daahir aweys oo hore u ahaan jiray hoggaamiyihii xisbul Islaam ayaa ka hadlay fikirka uu ka qabo dadka labada Baasaboor leh.

Shiikh Xasan Daahir oo hadda Xabsi guri ugu jiro dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay barnaamij yar kasoo duubay dadka Soomaaliyeed ee labada Baasaboor leh.

Shiikh Xasan ayaa si gaar ah usoo qaatay Amiino Muuse Wehliye oo uu sheegay inay Assey u qaaday dalka Soomaaliya iyo sidii nabadgalyo iyo dowlad looga heli lahaa.

Farriin cod ah oo uu soo diray ayuu Sheekh Xasan Aweys ayuu ku sheegay in qofka labada baasaboor leh ee u dhaartay maslaxadda dalal kale inay fulin karaan oo kaliya maslaxadda dalalka ay dhaarteen.

Waa farriintii labaad oo uu Xasan Daahir aweys soo duubo muddo hal bil gudahood, wuxuuna farriintii middaan ka horeysay kaga hadlay Xarakada Al-Shabaab.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka kasoo yeeray Xasan Daahir.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/05/pmLqXREP7t2z.128.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this