Sign in to follow this  
Deeq A.

C/raxmaan C/shakuur oo siyaasadeeyey roobkii iyo raxmaddii Allah ka timid

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah Siyaasi ay siyaasadiisa ku dhisan tahay wax eedeyn ayaa siyaasadeeyey roobabkii iyo raxmaddii Alle ka timid ee habeen hore ka da’ay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dowladda ku eedeeyey inaysan lacagtii canshuurta aheyd ee laga qaaday dadka Muqdisho loogu adeegin, isagoo xusay inay Muqdisho u baahan tahay in Bulaacado biyaha qaado loo sameeyo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadalkaan ku sheegay qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook oo u qornaa sidaan:

cc.jpg?resize=485%2C522&ssl=1

Siyaasigaan oo inta badan ka fiiriyo tallaabooyinka dowladda dhanka Negative-ka ayaan ku fakarin inay Soomaaliya weli tahay wadan soo korayo isla markaasna aan awood u laheyn inuu sameysto Bulaacado, maadaama aysan dowladda heysan Dhaqaale ku filan isla markaasna ay ku tiirsan tahay kaalmada dowladaha Shisheeye.

Waxaa xusid mudan in Wadamo Soomaaliya ka hormarsan ay marar badan ka dhaceen roobab iyo fatahaad qaado Guryo iyo Baabuur isla markaasna ay dowladda xakameyn weyso.

Dalka Soomaaliya ayaa ku jiro dowladaha ugu awoodda yar adduunka, maadaama ay hadda kasoo kabaneyso dagaalo Sokeeye, Abaar iyo Khilaaf Siyaasadeed oo soo jiitamayey muddo aad u badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa heysto culeys ka weyn arrintaan sida amniga iyo dadka oo u dhimanayo Gaajo.

Sidoo kale dowladda ayaa ku mashquulsan sidii Al-Shabaab looga badbaadin lahaa Dhiigga Ummadda Soomaaliya.

Nolosha Bulshada waxa ugu horreeyo ee haddana ugu muhiimsan ah ayaa ah in la helo amni, Soomaaliyana weli ma aysan helin amni buuxda oo la isku haleyn karo.

Halkii ay aheyd inuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur u tacsiyeeyo dadka Dhibaatada ku dhacday isla markaasna uu ku baaqo in wax loo qabto ayuu bilaabay inuu uga faa’ideysto loolankiisa siyaasadeed ee ka dhanka ah dowladda Soomaaliya taasoo ay dad badan ku tilmaameyn inay tahay tallaabo aan laga fiirsan.

Caasimada Online
Xafiiska Naiorobi
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this