Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Amiirka Al-Shabab oo tacbaan ah iyo halka uu ka jiran yahay oo la ogaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaa, Axmed Cumar oo loo yaqaan Abu Cubeydah ayaa aad u xanuunsanaya, taasi oo kooxda ka dhex dhalisay loolan ku saabsan cidda qabaneysa hoggaanka.

Sida ay sheegeen ilo-sirdoon oo lagu kalsoon yahay, Abu Cubeydah oo hoggaanka kooxan qabtay 2014, ayaa hadda sariir saaran oo tacbaan ah, inkasta oo ay jirto in kooxda ay shalay baahisay cod la sheegay inuu soo duubay, oo aan la ogeyn waqtiga dhab ahaan loo duubay.

Inkasta oo wararka qaara y sheegaya in si xun loogu dhaawacay weerar qorsheysan, ayaa haddana ilo lagu kalsoon yahay ay xaqiijinayaan in uu ka xannuunsan yahay kilyaha. Abu Cubeydah oo markii hore ka jiranaa hal killi, ayaa hadda la sheegayaa in laba killi ay aad uga liitaan, uuna la xarbinayo noloshiisa.

Ilo-wareedyada ayaa sheegaya in Abu Cubeydah uu xanuunsanaa lixdii bilood ee ugu dambeysay, balse kooxda ay aad ugu dadaaleyso inay muujiyaan inuu wax dhibaato ah qabin.

Lama yaqaan halka uu Axmed Cumar hadda ku sugan yahay. Wararka qaar ayaa sheegaya inuun joogo degmada Jilib, halka kuwa kale ay ku warramayaan inuu gobolka Gedo ku dhex dhuumanayo.

Kooxda al-Shabaab ayaa lagu warramay in qarash badan uu uga baxayo dawada hoggaamiyahooda, taasi oo kooxda wiiqday awood ahaan inay fuliso howlgallo badan billihii ugu dambeeyey xilli ay dhaqaale ahaan liidato.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in xaaladdiisa ay aad u liidato, ayna mareyso heer ay ku xigeenadiisa iyo golaha shuurada kooxda ka doodaan cidda beddeli doonta, taasina ay hoggaamisay muran xooggan iyo loolan adag.

Waxaa dhowaan idiin soo gudbin doonaa Insha Allah, magacyada saddexda nin ee isku haysata hoggaanka kooxda.

Warbixintan waxaa dabaacday hay’adda Terrorism Monitor 

Caasimada Online
Xafiiska Naiorobi
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this