Sign in to follow this  
Deeq A.

Tukaraq: Puntland oo qabatay gaari iyo askar ka tirsan Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo Aaga Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo Puntland oo maalmo ka hor halkaas dagaal culus ku dhexmarey ayaa sheegaya galinkii dambe ee maanta cutub ka tirsan ciidamada Puntland inay ku qabteen gaari booyad ah iyo saddex askari oo ka tirsan ciidanka Somailand.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland oo telefonka kula hadlay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegay inay qeyb ka mid ah ciidamadoodu gacanta ku dhigeen baabuur nooca biyaha lagu dhaansado iyo askartii la socdey.

Qabashada maxaabiistan iyo gaariga ay la socdeen ayaa timid ka gadaal markey si khalad ah uga soo dul dhaceen mid ka mid ah fariisimaha ciidanka Puntland ka samaystay agagaarka tuuladda Tukaraq ee gobolka Sool.

Dhinaca kale ma jiro war kasoo baxay saraakiisha ciidanka Somaliland wallow aysan ahayn markii ugu horeysay oo ciidanka Puntland qabto gadiid ay leeyihiin ciidamada Somaliland ee ku sugan aaga Tukaraq.

Jawiga Tukoraq ayaa u muuqda mid ku jira xaalad dagaal oo xilli kasta la filan karo dagaal labaad oo ka dhex qarxa labada ciidan ee isku horfadhiya.

Aaga Tukaraq

PUNTLAND POST

The post Tukaraq: Puntland oo qabatay gaari iyo askar ka tirsan Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this