Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka xoogga dalka oo deegaano badan ka saaray Al-Shabab iyo dhimashadii ugu badneyd oo gaartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimadda Online) – Taliyaha Guutada 52–aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal. Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedisho) ayaa sheegay inay dileen Malleeshiyaad badan oo ka tirsanaa nabad diidka Al-Shabaab.

Jeneraal;Tareedisho oo u warramayay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Sheegey inay howl-aggaladii ugu dambeeyay ee ay ka fuliyeen Gobolka Hiiraan ay ku dileen 168 xubnood oo ka tirsanaa Malleeshiyaadka argagixisada ee Al-Shabab degaanno badanna ay ka saareen.

Weerarrada lagu baacsanayo Al-qaaciddada oo socda tan iyo Bishii Maarso ee Sanadkan oo ahaa kuwo qorshaysan ayaa waxaa lagaga fara maroojiyay Argagixisada degaanno badan oo ay ka mid yihiin, Mubaax, Ceel Cali Axmed, Yasooman iyo Tuulooyin kale.

Waxaa sidoo kale halkaasi lagu gaarsiiyay nabad diidka Al-Shabaab qasaara xooggan, iyadoo dhammaan goobihii laga saaray laga furtay Hub iyo Gaadiid dagaal, iyadoo ay Ciidamada xoogguna ku raad joogaan firxadkooda.

Jeneraal; Tareedisho ayaa sheegay inay Ciidamadu haatan niyad fiican u hayaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab maaddaama ay taakulayn buuxda ka haystaan Dowladda dhexe iyo Shacabka ku dhaqan degaannada ay imminka ku dhuumaalaystaan, Geed kasta iyo goob walba oo ay tagaanna ay uga daba tagi doonaan kana saari doonaan.

Hadalka taliyaha marka lagasoo tago ayaa weli Al-Shabaab dhankooda kama hadlin warka kazoo baxay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this