Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqor Buur Madow oo mar kale la xakumay

Recommended Posts

Deeq A.   
buurmadow.jpg?resize=600%2C424Boqor Buur Madow, Carmo

Maxkamadda rafcaanka Hargeysa ee Somaliland ayaa maanta saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Boqor Buur Madow) sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha xuquuqul insaanka Somaliland Guuleed Axmed.

Boqor Buur Madow ayaa horey maxkamadda Hargeysa ugu xukuntay shan sano oo xabsi ah, wuxuuna ka qaatay rafacaan, taas oo maanta u garatay in lagu xakumao saddex sano oo xabsi ah.

Boqor Buur Madow ayaa dhawaan ka qeyb galay caleema-saarkii  Beeldaajaha beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo ka dhacady degmada Carmo ee gobolka Bari Puntland

Somaliland ayaa markii uu Hargeysa tagey Boqor Buur Madow xirtay, iyadoo ku eedeysay in uu musaasabadii Carmo ka jeediyay hadallo dhaawac ku ah Somaliland iyo gaf ka dhan ah madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Dhaqanka iyo waxgaradka Somaliland ayaa xukuumadda Muuse Biixe ugu baaqay in la siidaayo Boqor Buur Madow sidoo kale hay’adda Amnesty International ayaa ku baaqday in bilaa shuruud lagu siidaayo Boqor Buur Madow.

Somaliland ayaa dhaqanka deegaanadaas u geysata xarig iyo caga jugleyn, waxayna shaly sidaan oo kale Burco ku xirtay Suldaan Maxamed Muuse Cune oo ka mid ahaa Salaadiinta gobolka Togdheer.

PUNTLAND POST

The post Boqor Buur Madow oo mar kale la xakumay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this