Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha Al-shabaab oo Weerar Afka ah ku Qaaday Madaxda DFS, Imaaraadka iyo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda_Al-shabaab_Somalia.jpg?resize=836Muqdisho (PP) ─ Hoggaamiyaha Ururka Al-shabaab ee Soomaliya, Axmed Cumar Abu-Cubeyda ayaa hadal uu jeediyay ku weerarray dowladda Somalia ee uu hogaaminayaan Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre, wuxuuna ku tilmaamay inay doonayaan inay dalka u gacan-geliyaan Itoobiya oo uu ku tilmaamay cadow soo jireen ah.

Abu-Cubeyda ayaa hadalkiisan kusoo beegay iyadoo dowladda Somalia ay si aad ah u adkeysay ammaanka si ay uga hor-tagto weerarro kaga yimaada ururka Al-shabaab oo muddo sannado ah isku dayayay inay af-gambiyaan dowladda uu caalamku taageersan yahay.

“Madaxda dalka waa kuwo calsooshood u shaqeystayaal ah oo shuruucda ay dajiyaan dalka u horseeday inuu galo maxmiyad iyo in dhulkii uu beylah u noqdo cadowga ummadda. Waa mas’uuliyiin waddanka u gacan-gelinaya cadowgeenna soo jireenka ah ee Itoobiya iyo Kenya. Waxayna dadaal ugu jiraan sidii ay u hir-gelin lahaayeen hanka siyaasadeed ee gumeystuhu ka damacsan yahay bulshada Soomaaliyeed ee muslimka ah,” ayuu yiri Amiirka Al-shababa ku yiri hadalka uu jeediyay.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Al-shabaab wuxuu afka ku weeraray Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, isagoo ku tilmaamay laba dowladood oo cadow ah oo doonaya inay dhaqaalaha dalkan si dadban ku qaataan.

“Turkiga oo qayb ka ah ururka NATO ayaa ku takrifalaya dhaqaalaha Dalka, wuxuu gacanta ku dhigay Dekedda iyo garoonka diyaaradaha, wuxuu dalka ka hir-galiyay saldhig ciidan oo uu ku ilaashanayo boobka dhaqaalaha dalka, waana saldhigga ugu weyn ee dalkiisa ka baxsan ee uu Dunida ku leeyahay. Turkiga waa Dalka hadda Itoobiya ka Taageeraya mashruuca biyo-xireenka An-Nahda,” ayuu mar kale yiri Hoggaamiyaha Ururka Al-shabaab.

Hoggaamiyuhu wuxuu intaas ku daray in Dowladda Imaaraadka Carabta uu dagaal adag ugu jiro inuu gacanta ku dhigo dekedaha ka baxsan Muqdisho iyo sidii talisyo ciidan ugu yeelan lahaa Badda Cas. Wuxuuna labada dal ku eedeeyay inay Somalia ka sameysteen ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo iyaga ka amar-qaata.

Dhanka kale, Abu-Cubeyda ayaa ka hadlay Xaalada waddanka, gaar ahaan khilaafkii hareeyay Baarlamaanka Somalia, duulaanka uuu sheegay inay soo qaadeen dalalka Turkiga iyo Imaaraadka iyo dagaalka ay ciidanka AMISOM kula jiraan.

Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha Al-shabaab wuxuu sheegay in wiiqeen awoodii AMISOM, isla markaana ay haatan ku go’doonsan yihiin xeryaha ay kaga sugan yihiin Somalia, ayna muddo saddex bilood gudahood ah uga dileen in ka badan 200 oo askari, ayna dagaalka sii wadi doonaan.

PUNTLAND POST

The post Hoggaamiyaha Al-shabaab oo Weerar Afka ah ku Qaaday Madaxda DFS, Imaaraadka iyo… appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this