Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsan Somaliland oo wacad ku maray in Puntland ay ka barakicin doonaan magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye ‘’Nacnac’’ oo ka mid ah Golaha Wakiilada Soomaaliland, ayaa ku goodiyay in dagaalka ay kula jiraan Puntland uu sabab u noqon doono barakac ka dhaca magaalada Garoowe.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye ‘’Nacnac’’ oo u waramaayay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ka dheereynaayo xuduudka hadalka, sidaa aawgeed ay ka shaqeyn doonaan sida dagaalkooda uu ku gaari lahaa magalada Garoowe.

Waxa uu Xildhibaanka sheegay hadii ay Puntland joojin weyso dagaalka tukaraq ay ka wado in laga qaxi doono magalada Garoowe, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Puntland kama waaban doono waxa ay ku khasban tahay inay joojiso dagaalka haddii ay joojin weydo waxaa laga qixi doonaa Garoowe’’.

Xildhibaan ’Nacnac’’ ayaa sidoo kale Jawaab kulul ka bixiyay haddal maalinimadii shalay kasoo yeeray maamulka Puntland kaa oo ahaa in Somaliland ay taageerto Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, waxa uuna sheegay in labadaba aysan aqoonin balse ay ka go’an tahay iska difaacida Puntland.

Waxa uu tilmaamay in Puntland aysan aqoon dagaal afka ah wax ka badan, taa oo uu ula gol leeyahay inay Somaliland ku tilmaanto taageerida Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale, waxaa sii xoogeysanaaya xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool oo ay isku horfadhiyaan ciidamada labada maamul.

Haddalka Xildhibaan ’Nacnac’’ ayaa kusoo beegmaaya xili Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi uu shalay sheegay inaanu duulaan ku aheyn magaalada Garoowe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this