Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuqaal: Amiirka Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Dowladaha Turkiga iyo Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Mu’asasada Al-kataa’ib ee Garabka Warbaahineed ee Xarakada Al Shabaab ayaa baahisay kalimad cusub oo uu jeediyay Amiirka Xarakada Shabaab Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeydah.

Kalimaddan oo cinwaankeedu yahay (تحسبهم جميعا وقلوبهم شتي) lana dhageysan karo muddo 22 daqiiqo ah, ayuu Amiirka Xarakada Al-Shabaab, Sheykh Axmad Cumar (Abuu Cubeyda) kaga hadlayaa xaaladda wadanka iyo khilaafka siyaasadeed ee hareeyey  dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona dhanka kalena jeediyey fariimo ku wajahan dagaalyahanada Shabaab iyo dadka Soomaaliyeed.

Sheykh Abuu Cubeyda ayaa ugu horreyn si kooban uga hadlay fadliga bisha barakeysan ee Ramadan ee dhawaan curatay wuxuuna dadka Muslimiinta ku booriyey in ay ka faa’ideystaan kuna dadaalaan gudashada waajibaatka uu Allaah saaray.

“Waxaa mahad mudan Allaha na soo gaarsiiyey bishaan barakeysan ee Ramadan oo ah bisha jihaadka iyo Qur’aanka, bisha qiyaamka iyo sadaqada, waxaana nafteyda iyo tiinaba ku boorinayaa inaan u istaagno gudashada waajibkaas” ayuu yiri.

Intaas ka dib ayuu Amiirku sii gudagalay nuxurka kalimadiisa oo ah mid uu diiradda ku saarayey khilaafka  siyaasadeed ee hareeyey Dowladda Soomaaliya iyo Dagaalada ay shabaab ku qaadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda.

“Waxaan Allaah uga mahadcelineyaa guulaha isxigxiga ee uu nagu galladeystay. Guulaha uu Allaah nagu sharfay inaan la noolaano, Umadeena Muslimka ahna la qeybsano waxaa ugu weyn laba guullood. Guusha koowaad ayaa ah xujada muujisay ahdaafta iyo xaqnimada aan u dagaalameyno iyo runimada fariimaha dacwadeed ee aan gudaneyno, naf iyo maalna aan u hureyno. Waa caqiidada iyo towxiidka wax kormariyey kafada Mujaahidiinta, hogaanka ridana ku riday caloolyoobid, walbahaar iyo haziimo nafsi ah oo uusan marnaba ka baxeynin ilaa uu Allaah u towbadkeeno mooyee” ayuu yiri.

Kalimadda oo ah mid u sameysan qaab video ah ayaa intaas ka dib waxaa ka soo muuqanaya qaar ka mid ah hogaamiyeyaal katirsan Dowladda Federaalka oo uu ku jiro Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kuwaas oo qiraya in ay ka adkaan waayeen Shabaab.

Sheykh Abuu Cubeyda, Amiirka Xarakada  Al-Shabaab ayaa si qoto dheer kaga hadlaya xaaladda uu dalku marayo iyo sida Ciidamada AMISOM

“Haddan isdul taagno xaaladda dalka uu marayo, waxaa inoo muuqaneysa in dhowr boqol oo daneystayaal ah, sheegtana inay sharci dajiyeyaal yihiin ay masiirka Umadeena u gacan gelinayaan shisheeye, waa kooxyar oo Allaah ku heysata talada iyo xukunka iyo xaqqa tashriica ee uu la gaarka yahay, waa gole sheydaan dhisay oo si aan kala har lahay ula diriraya u hogaansanka diinteena wanaagsan iyo ku dhaqanka sharciga Allaah” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waa gole calooshood u shaqeystayaal ah oo shuruucda ay dajiyaan dalka u horseeday in uu galo maxmiyad, iyo in dhulkii uu beylah u noqdo cadowga Umadani lahayd. Waa gole dalka u gacan gelinaya cadowgeena soo jireenka ah ee Itoobiya iyo Kenya. Waxay barratan ugu jiraan sidii ay u hirgelin lahaayeen hanka siyaasadeed ee gumeystuhu ka damacsan yahay bulshadeena Muslimka ah. Waa golaha doortay hogaamiye bilaash xeyte ah, kasxumo iyo garaad la’aana ku caanbaxay, Kampala accrod-na ku garaadsaday”.

Mar uu soo hadal qaaday Khilaafkii ugu dambeeyey ee hareeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Sheykh Abuu Cubeyda tibaaxay in isqabqabsigaas uu banaanka soo dhigay damaca liita iyo damiir xumada xildhibaanada golaha Shacabka iyo awoodaha gumeysi ee hadda ku loolamaya boobka hantida iyo kheyraadka dadka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Muxuu ka yiri Turkiga Iyo Imaaraatka

“Khilaafka kala dhexgalay golaha sheydaan wuxuu soo ifbixiyey damacooda liita, damiir xumada xubnahooda iyo garaadyarida hogaankooda siyaasadeed, wuxuuna sawir dhab ah ka bixinayaa, saadaalna u yahay halista Fedaralku leeyahay iyo foolxumada uu sito ee ku soo fool leh Umadda muslimka ah ee Soomaaliyeed hadeysan iska qaban dhuuni raacyada sufahada ah ee aan u dhuun duloolin siyaasadda lala maagan yahay dalka iyo haadaanta lagu sii wado Umaddan muslimka ah” ayuu yiri.

Sheykh Abuu Cubeyda ayaa isagoo hadalkiisa sii wata yiri: “Wuxuu sidoo kale Khilaafku soo muujiyey laba awoodood oo ka mid ah awoodaha majaraha u haya hogaanka ridada, saameyntana ku leh gumeysiga dalka uu ku jiro, waxaa isweydiin mudan waxa lagu kala dooranayo Jawaari iyo Mursalka Turkiga ee loo doortay Baarlamaanka, waxaa sidoo kale in la isweydiiyo mudan waxa lagu kala dooranayo Turkiga iyo Imaaraatka, soo labadan dowladood ma ahan kuwa dhibaatada ba’an ku haya dalkeena, kana hortaagan in Umaddan ay isku filnaansha gaarto.”

Mar uu ka hadlayey Dowladda Turkigu ayuu yiri: “Turkiga oo qeyb ka ah huwanta saliibiyada ah ee NATO ayaa ku takrifalaya dhaqaalaha dalka, wuxuu gacanta ku dhigay Dakada iyo Airport-ka, wuxuu dalka ka hirgeliyey saldhig military oo uu ku ilaalsanayo boobka dhaqaalaha dalkeena, waana saldhigga ugu weyn ee dalkiisa ka baxsan ee uu dunida ku leeyahay sida la ogyahay. Turkiga waa midka hadda Itoobiya ka taageeraya Mashruuca biya xireenka An-Nahda” ayuu yiri.

Mar uu milicsaday kaalinta Imaaraatku ku leeyahay Soomaaliya ayuu yiri: “Sidoo kale Imaaraatka ayaa baratan adag ugu jira siduu gacanta ugu dhigi lahaa Dakada ka baxsan Muqdisho, Talisyo ciidanna ugu yeelan lahaa badda Cas, waxay labada dowladoodba [Turkiga iyo Imaaraatka] sabab u noqdeen dhismaha ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo iyaga ka amar qaata. Danta ay ka leeyihiina waa in Umadda lagu xasuuqo, Hantideedana lagu boobo”.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka uu soo duubay Amiirka Shabaab

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this