Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Wasiirka gashaandhiga Somaliland iska hortaagtay inuu galo magaalada Badhan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka gaashandhiga Soomaliland Ciise Xanwar oo maalmahan socdaal ku maraayey degaano katirsan galbeedka Gobalka Sanaag, gaar’ahaan magaalooyinka Ceerigaabo iyo Ceel-afweyn ayaa xalay si lama filaana kusoo gaaray degmada Hadaftimo oo katirsan gobalka Sanaag.

Wasiirka ayaa magaalada Hadaaftimo kula kulmay Suldaanka guud ee Gobalka Sanaag Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaam lamana oga waxa ay kawada hadleen, waxaase khilaaf xoogani ka dhashay markii uu wasiirku isku dayey inuu u gudbo Magaalada Badhan oo ah xarunta gobalka Sanaag ee Puntland, iyadoo ay magaaladaas kasoo baxeen ciidamo ku hubaysan gaadiidka dagaalka oo is hortaagay inuu wasiirku gaaro magaalada Badhan.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo weli wasiirka gaashaandhiga Soomaaliland waxa uu ku sugan yahay magaalada Hadaaftimo waxaana socota waan-waan lagu doonaayo inuu wasiirkaasi si nabada ku tago magaalada Badhan maadama uu kasoo jeedo degaanka, hase ahaate taliska ciidamada daraawiishta Puntland ee gobalka Sanaag ayaa arintan si aada uga gaws adaygay, waxayna ku adkaysanayaan inuusan masuulkaasi tegi karin Badhan.

Booqashada Wasiirkan ee gobalka Sanaag ayaa kusoo aadaysa xili xiisad dagaal oo aad u kulul laga dareemaayo qaybo kamida Gobalka Sool oo ay ciidamo xoogan kusoo daabulayaan dhinacyada  Puntland iyo Somaliland kaidb dagaaladii kharaara ee maalmo kahor degaanadaas ka dhacay.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo Wasiirka gashaandhiga Somaliland iska hortaagtay inuu galo magaalada Badhan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this