Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Kenyan la sheegay inuu Al-Shabaab u fududeyn jiray aqoonsiga Dalkaas oo la baadi goobayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Booliiska Kenya ayaa ku dhawaaqay 1 Million oo shilin oo la siinayo ciddii keenta War bixin horseedi karta in la soo xiro Xybin muhiim ah oo Al-shabaab ka tirsan kaasi oo booliiskua ay Magaciisa ku sheegeen Francis Macharia Kirashu.

Sida ku xusar war uu saray Booliiska Kenya Jimcihii oo Warbaahinta Dalkaasi ay daabacday, Ninka la baadi goobayo ee Kirishu waxa uu taageeraayay Dagaalamayaasha Al-shabaab si ay Xuduudda uga gooshaan, isagoo u daabacay warqado aan sax ahayn.

Ninkaan Booliisku ay tuhunsanyihiin waxa uu Ganacsi ku lahaa Magaalada Nairobi , waxaana la xiray caawiye yaashiisii oo daabacaya warqado been abuur ah.

Boliska waxay xuseen inuu Macharia Karishu been abuuray 4 Aqoonsiga Kenya oo ay isticmaaleen 2 xubnood oo ay Bolisku ku qabteen Degmadda MERITI bishii Feberaayo ee sannadkii 2018-kii, waa sida hadalka loo dhigay.

Rag booliisku magacooda uu ku sheegay Cabdi Majid  Xasan Aadan iyo Maxamed nane ayaa isticmaay warqado uu daabacay ninka la baadi goobayo si ay Xuduuda Kenya uga gudbaan iyagoo Soomaaliya ka tagay.

Dhinaca kale, Ninka Kenyanka ee la baadi-goobayo ee Francis Macharia Karishu.ayaa la sheegay inuu Xafiis Daabacaad  oo lagu magacaabo PASTE PRINTER  oo uu ku lahaa magaalladda Nairobi, inkasto ola sheegay inuu iska xiray Xafiiskaasi oo uu haatan dhuumaalaysi ju jir, waa aida hadalka loo dhigay..

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this