Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Somaliland ku eedaysay in ay gabbaad u tahay Al-shabab iyo Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa maamulka Somaliland ku eedaysay in uu gabbaad u yahay ururada Al-shabaab iyo Daacish ee dhibaatada baahsan ku haya xasiloonida iyo amniga Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay, in Somaliland ay agab-dagaal siiso malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish,islamarkaana u soo gudbiso dhinaca buuraleeyda Puntland.

Xukuumadda Puntland ayaa dhinaca kale Somaliland ku eedaysay,in ay soo qortay warqad been abuur ah oo lagu sheegayo in madaxweyne Gaas uu dagaalkii Tukaraq warbixin ka siiyay, madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warqadda lagu been abuurtay madaxweyne Gaas ayaa lagu sheegay in uu dagaalka Tukaraq taageero uga dalbaday dowladda Federaalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran

QORAALKAN.jpg?resize=1000%2C1294

PUNTLAND POST

The post Puntland oo Somaliland ku eedaysay in ay gabbaad u tahay Al-shabab iyo Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this