Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiliga ay ciidamada Kenya ka baxayaan guud ahaan Somalia oo si rasmi ah loo shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warbixin kasoo baxday Hay’adda QM ayaa waxaa lagu sheegay inuu socdo qorsho lagu doonaayo in ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Somalia dib loogu celsho dalkooda.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in qorshahaani socda uu qeyb ka yahay qorshaha dhimista Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgalla Gudaha Soomaaliya.

Saraakiisha iyo Ciidamada Difaaca Kenya, ayaa la qorsheynayaa in ay ka baxaan guud ahaan Somalia muddo 2 sano ah ka dib.

Sida ku cad wakhtiyada ay soo diyaarisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa waxaa lagu sheegay inaanu wakhtigaasi ku imaan doonin isbedel.

Qorshaha ka bixitaanka Somalia ayaa imanaya 7 sano kadib markii ciidamada KDF ay soo  galeen Soomaaliya ka dib markii ay bateen Weeraradda Al-Shabaab ay ka geysanayaan Gudaha dalka Kenya.

Dowlada Kenya oo ka duuleysay weerarada kaga imaanaya al-Shabaab ayaa ku dhawaaqday xilligaasi Howlgalka Linda Nchi 14-kii Oktoobar 2011-kii oo lagu raadinayay shaqaalaha gargaarka iyo dalxiisayaasha Waqooyi Bari ee Kenya ay ka Afduubteen Al-Shabaab.

Sida ku cad qoraalka Golaha Ammaanka ee QM ee 2372 (2017), ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya ka baxaya bisha Disembar 2020-ka.

Taliska ciidamada Kenya ayaa sheegay inay heleen wargalin la xiriirta in 2 sano gudahood ay kaga baxaan Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Taliyaha Guud ee ciidamada Kenya ayaa sheegay in lagu wargeliyay inay isku diyaariyaan ka bixitaanka Somalia.

Go’aankaan ayaa noqonaaya kan ugu danbeeya oo Somalia looga saarayo ciidamada Kenya, waxa ayna dib uga howlgali doonaan Xuduudaha dalkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this