Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo warbixin kasoo saartay dilal qorsheysan iyo weeraro ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan iyo dilal xalay siyaaba kala duwan uga dhacay xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Xalay Fiidkii ayay xoogag hubeysan waxay weerar ku qaadeen laba saldhig oo Ciidamada DF-ka ee loo yaqaan Xasilinta caasimadda ay uga sugnaayeen Baar Ubax.

Weerarka hore oo ka dhacay agagaarka Hoteelka Salaama waxaa loo adeegsaday Bambaano nuuca gacanta laga tuura ah, ugu yaraan hal askari ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay weerarkaasi.

Isgoyska Baar Ubax weerar toos ah ayaa lagu qaaday ciidamo ku sugnaa saldhigga Jiingadda waxaana weerarkaas ku dhintay inta la hubo 2 askari waxaana dhaawac garaab ah uu gaaray taliyihii ciidamada Xasilinta ee isgoyska Baar Ubax.

Dhinaca kale xoogag hubeysan ayaa xalay fiidkii degmada Shibis ku dilay sarkaal sare oo katirsan dowladda Federaalka, goob joogayaal ayaa warbaahinta uxaqiijiyay in xoogag hubeysan ay sarkaalka qeybaha sare ee Jirka kala heleen rasaasta.

Gaari nuuca raaxada ah oo uu watay sarkaalka ladilay ayaa rogmay sida ay sheegeen dadka deegaanka iyadoona xoogagii weerarka geystay ay si Nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen.

Al Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarada Muqdisho ka dhacay sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this