Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Ammaanka 4 hotel oo ku yaalla Muqdisho oo aad loo adkeeyay + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ay ka jirto cabsiyo laga qabo in bisha ramadaan ay weeraro geystaan maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in aad loo adkeeyay amniga afar Hoteel oo ku yaala magaalad Muqdisho.

Hoteelada amnigooda aadka loo adkeeyay ayaa waxaa kamid ah Jazeera, Makka al-Mukarama, Hayat iyo SYL oo dhamaantooda ay degan yihiin mas’uuliyiinta ugu badan ee xilal sare ka heysa Dowlada.

Hoteeladan ayaa waxaa degan Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimayaal, Ajaaniib iyo Madax kale, waana Hoteelada ugu khaalisan magaalada Muqdisho, marka la barbar dhigo kuwa kale.

Afafka hore iyo Gudaha Hoteelada ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo farabadan kuwaa oo bisha Ramadaan aawgii loogu kordhiyay Ilaalada Hoteelada.

Qeybaha Sare iyo qeybaha dhexe ee dhismaha Hoteelada aan kor kusoo xusnay ayaa waxaa ka dhex muuqda ciidamo gaafmeer ah.

Waxaa xusid mudan in amniga Hoteelada ay ka qeybqaadanayaan Ilaalada Wasiirada iyo Xildhibaanada degan Hoteelada, kuwaa oo aan horay uga qeybqaadan jirin sugida amniga Hoteelada ay degan yihiin.

Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa aaminsan in Bisha Ramadaan ay uga ahmiyad badan tahay bilaha kale, waxa ayna qaadan weerarada ugu badan oo ay ku daadiyaan dhiiga dadka sooman.

Maleeshiyada ayaa horay u sheegtay in Bisha Ramadaan ay geysan doonaan Weeraro hor leh, kuwaa oo ay ku qaadan Hoteelada, Baararka iyo Goobaha ay ku badan yihiin shacabka Sooman.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan Hoteelada iyo Xarumaha Dowlada kuwooda muhiimka ah ayaa aad loo adkeeyay amnigood, sababo la xiriira cabsi dhanka amaanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this