Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhagar qabe Qarax ka geystay Baydhabo oo sabab layaab leh ku sheegay waxa ku khasbay Qaraxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa gacanta ku dhigay ruux weerar Bambaano ku qaaday Maqaaxi ay ka afurayeen dad shacab ah oo ku taala magaalada Baydhabo.

Ruuxan gacanta lagu dhigay ayaa waxa uu weerarka Bambaano ka geystay Maqaaxi ku taala xaafada Onodka ee magaalada Baydhabo, kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada ayaa lagu qabtay.

Dadka ku afuraayay Maqaaxida la weeraray ayaa waxaa kamid ahaa askar ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ku dhaawacmay inkabadan Shan ruux.

Ruuxa loo qabtay weerarka ayaa kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana iminka la dhigay Xabsiga weyn ee magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, Ruuxan loo qabtay weerarka ayaa tilmaamay in ujeedkiisa uusan aheyn dhibaateynta askarta balse uu beegsanayay dadka kale ee caadiga oo uu sheegay in ay ka horjoogsadeen kaarka lagu bixiyo raashiinka.

Ruuxan oo markii hore looga shakiyay Shabaab ayaa wuxuu sheegay inuusan jirin urur uu ka tirsan yahay balse falkan uu geystay ay ka keentay oo keliya ciil uu isbaday, oo ku wajahan dadka u diiday kaatka.

Si kastaba ha ahaatee, Ruuxaani ayaa lagu wadaa in loo dhaadhiciyo Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee magaalada Baydhabo, si looga abaalmariyo falka uu geystay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this