Sign in to follow this  
Deeq A.

Wargeyska The Guardian oo warbixin ka qoray xasuuqa Mareykanka ka wado Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dadka dagan Gobolka Shabeelada Hoose ayaa howgalka gaarka ah ee Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya iyo ciidamada dowladda ku eedeeyey inay beegsadaan dadka rayidka xilliyada ay beegsanayaan hoggaamiyayaasha kooxda xagjirka ah ee Shabaab.

Sida ay qortay Guardian duqeyntii uu Mareykanka ka geystay Shabeelada Hoose 9 May ayaa waxaa lagu dilay beeraley xilli habeen ah oo ay ku sugnaayeen beertooda.

Mohamed Sheikh Mohamud oo kamid ah beeraleyda Shabeelada Hoose ayaa Wargeyska Newspaper u sheegay in laba kamid ah dadkii lagu dilay duqeyntaas ay ahaayeen darawada Baabuurta Gacfyada ee Beelaha Mooska lagu abuuro.

Sidoo kale wuxuu sheegay in seddexda kale ee lagu dilay duqeyntaas ay ahaayeen xoolo dhaqato, gaar ahaan kuwa Lo’da dhaqdo.

Shaqaale ka tirsan Isbitaal Muqdisho ku yaal ee la geeyey meydadka ayaa xaqiijiyey in afar kamid ah dadkaas laga togtay gadaal halka midka kale laga toogtay Xabadka, sidoo kalana waxaa howgalkaas lagu dhaawacay shan kale oo kamid ah Beeraleyda sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal.

Xubno ka tirsan sirdoonka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalkaas lagu qabtay seddex xubin oo muhiim ah oo ka tirsan Shabaab halka sidoo kale lagu dilay dhawr kale oo dagaalyahano ah,  wuxuuna afhayeenka Wasaaradda Amniga Abdiasis Ali Mohamed sheegay inay howlgalkaas  si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka.

Qof kamid ah deegaanka oo lagu magacaabo Ibrahim Ahmed ayaa Associated Press u sheegay in dadka dhintay aysan aheyn Shabaab, wuxuuna yiri ” Ma fahmi karo sababta weeraradaan loola beegsanayo dadka beeraleyda ah”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this