Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas:- “Shacabka Puntland waa in ay u diyaar garoobaan dagaal dheeraanaya”

Recommended Posts

Deeq A.   

gaas.jpg?resize=600%2C460Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa ka hadlay arimo ay ka mid yihii dagaalka Puntland iyo Somaliland, shirkii Baydhabo iyo arimo kale.

Madaxweyne Gaas oo warbaahinta kula hadlay aqalka madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa ugu horeyn ka hadlay shirkii Baydhabo ugu soo gabagaboobay madaxda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo uu sheegay in uu ku soo dhamaaday guul, looga hadlay arimo ay kamid ahaayeen siyaasada, amniga iyo arimaha bani’aadantinimada ee dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas oo ka hadlay colaada Tukoraq ayaa sheegay in Somaliland ay rabto in ay dhul aysan lahayn xoog ku qabsato suurtagal aysan ahayn, Puntlandna ay diyaar u tahay in ay difaacdo dhulkeeda.

Shacabka Puntland ayuu Madaxweyne Gaas ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda, ayna u diyaar garoobaan dagaal dheeraanaya.

Hoos ka dhageyso codka Madaxweyne Gaas

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/05/Madaxweyne-Gaas.mp3

PUNTLAND POST

Garowe

The post Madaxweyne Gaas:- “Shacabka Puntland waa in ay u diyaar garoobaan dagaal dheeraanaya” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this