Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Amniga oo ka hadashay Qaraxyadii xalay laga maqlay qeybo ka mid ah Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa ka warbixisay qaraxyo xalay laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow  Ducaale ayaa sheegay in jugtii iyo dhawaaqii cuslaa ee caawa ka dhacay magaalada Muqdisho aanay aheyn madaafiic hoobiyeyaal ah, balse ay ahaayeen waxyaabo ka dhashay baaruudda qaraxda.

Dadka reer Muqdisho ayaa xalay si wayn u maqlay dhawaqyada wax u eg madaafiic oo magaalada ku soo dhacay, hasse ahaatee dowladda waa ay beenisay.

Wasiir Ducaale oo la hadlayay Wakaalada Wararka ee SONNA ayaa sheegay inay dhawaaqa caawa fiidkii laga maqlay Muqdisho ay ahaayeen bacyo lagu shubay Baaruudda Qaraxda.

Wasiir Ducaale ayaa sheegay goobaha laga maqlay dhawaqyadaasi in ay u direen Hay’adaha ammaanka, oo aysan jirin qof wax ku noqotay, wuxuuna tilmaamay in ujeedada ay aheyd in shacabka Soomaaliyeed aysan cibaadaysan oo aysan Tukan Salaada Taraawiixda sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in sare loo qaaday Amiga magaalada Muqdisho inta lagu guda-jiro bisha Ramadaaan oo xalay bilaabatay waxaana heegan buuxa la galiyay ciidamada amaanka si looga hortago weerarada ay kooxda shabaab magaalada gudaheeda ka geystaan bilashaan oo kale .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this