Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Awqaafta Iyo Arimaha Diinta Oo Digniin ka Soo Saartay ganacsatada goobaha laga cunteeyo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Iyada oo Maanta ay ku beegan tahay Maalinta 1aad ee Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay digniin kasoo saartay dadka Maqaayadaha furaya Maalintii iyada oo la sooman yahay.

Xog-hayaha Wasaaradda Aw-qaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya Sheekh Maxamed Kheyrow oo la hadlay idaacadda Dalsan ayaa sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin in Maalintii iyada oo dadku ay sooman yihiin in la furo Maqaayado si dhuumaaleysi ah looga cunteynayo.

Waxa uu sehegay in ay codsi u jeediyeen laamaha amniga Soomaaliya,si ay kala Shaqeeyaan in gacan adag lagu qabto dadka maqaayadaha furaya Maalmaha Bisha ramadaan.

Waxa uu sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in lagala Shaqeeya kahortegida dadkaas,maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay Wadamada Islaamka.

Sikastaba xilliyadaan oo kale marka la gaaro Bisha Ramadaan waxaa lafuraa Goobo maqaayado ah oo si dhuumaaleysi ah looga cunteeyo taas oo keentay in Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya ay digniintaan soo saarto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this