Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxyo Caawa laga maqlay qeybo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir & Khasaaro kala duwan oo ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa caawa weerar Bambaano ku qaaday Hooyga uu Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ka degan yahay Taliyihii hore ee ciidamada Xasilinta NISA Maxamed Cali Jacfar.

Weerarka bambaano ayaa waxaa geystay laba dhalinyaro oo min Hal bam ku tuuray Hooyga Jacfar oo dhinaca ku haya Iskuulka Dhagaxtuur.

Weerarka ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro kala duwan, waxaana Qaraxyada kadib la maqlaayay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada ka agdhawaa Hooyga Jacfar iyo ilaaladiisa.

Qaraxyada oo ahaa laba ayaa waxaa dadkii ku dhaawacmay kamid ahaa Askar iyo dad shacab ah, waxaana xusid mudan in Qaraxyada kadib ay halkaa kusii socdeen Gaadiidka Ambalaasta ee gurmadka ah.

Sidoo kale, waxaa Qaraxyo ka dhashay Bam gacmeed caawa lagu weeraray ciidamo karsan Dowlada oo ku sugnaa Isgooska Bakaaraha iyo Degmada Waabari, waxaana la xaqiijinayaa inay ka dhasheen Khasaarooyin kala duwan.

Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa horay u sheegay in Bisha Ramadaan ay magaalada Muqdisho ka fulinayaan Qaraxyo, maadaama ay tahay bil cibaado.

Si kastaba ha ahaatee, Qaraxyada Caawa ka dhacay qeybo kamid ah Degmooyinka ayaa kusoo beegmaaya xili ay Caawa tahay koowga Bisha Ramadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this