Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo billowday xeelad cusub oo ay beelaha Soomaalida u adeegsaneyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceeljaale (Caasimadda Online) – Mintidiinta Al Shabaab ayaa sii hurinayaan colaadaha iyo midnimo la’aanta ka dhex jirto qabiilada Soomaaliya, waxayna ka faa’iideesanayaan xaalad jah wareer ay ka dhex abuureen qabiilada kadibna waxay Shabaab ciidan ka helayaan xaalada qabiilada ka dhex jirto si ay ciidamada AMISOM ula dagaalaan.

Korneel Bonny Bamwiseki oo ah abaan duuliyaha Guutada 22-aad ee AMISOM xaruuntooda tahay Ceel Jaale ee  Marka ayaa sheegay in Shabaab isku diraan qabiilada Soomaaliyeed si ay isku dilaan marka ay arkeen inu guul dareesteen askareynta caruurta si ay colaada kaga faa’iideestaan.

Ceeljaale waxay ku taalaa gobolka Shabeelada Hoose ayadoo 120km u jirto magaalada Muqdisho.

Laakiin ciidamada AMISOM qaybta Uganda ee loo yaqaan Uganda People’s Defense Forces (UPDF) waxay dadka ku dhiiri galiyaan kuna wacyi galiyaan in dagaalada la joojiyo nabadna lagu wada noolaado, sidoo kalena dib u heshiisiin ayay u bilaabeen qabiilada Al Shabaab isku direen.

Korneel Bonny Bamwiseki wuxuu sheegay in kaabo qabiilada iyo odey dhaqameedyada ay ogaadeen dhagarta Al Shabaab iyo inay qabiilada isku diraan.

Todobaad walbo duqoyda iyo kaaba qabiilada waxay ku kulmaan xarunta Ceel Jaale AMISOM ku leeyihiin waxayna ka wada hadlaan sidii horey loogu socon lahaa loogana hortagi lahaa kicinta Al Shabaab wadaan oo ay qabiilada isku dirayaan.

Sidoo kale odayaasha waxay ogaadeen in dib u heshiisiinta ay AMISOM wado dan ugu jirto dadkooda oo dhibaatada iyo colaada ku raagtay, sidoo kalena si nabad galo ku dheehan u wada ganacsan karaan.

Wacyi galintan iyo kulamadaan joogtada ah waxay sababtay dadkii qabiilka u dagaalamayeen iskana soo horjeedeen inay midoobeen haatana hal caddow yeesheen kaasi oo ah sidii Al Shabaab ay u cirib tiri lahaayeen.

Dagaalka qabiilada ka dhex dhaco asal ahaan wuxuu salka ku haayay muranka ah hantida dhulka madaama la isku dagaali jiray milkiyada iyo maamulida dhulka la beeran karo ee dalaga kasoo go’aan.

Korneel Bonny Bamwiseki wuxuu sheegay kala jabsanaantii qabiilada dhex taalay inay sababtay in laga guuleesan waayo Al Shabaab madaama ay qabiilada isku dirayeen hadba mid garab siinayeen sidoo kalena ay sii wadan jireen weeraradooda gaadmada ah ay AMISOM ku hayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this