Sign in to follow this  
Deeq A.

Caawa oo Lascanood La Keenay Mayd Badan oo Laga Soo Guray Jiida Hore & Dagaalka Subixii Ka Qarxi Doono Jiida Hore

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka caawa naga soo gaarayo deegaanka Tukaraq oo ay maanta ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ka taagan tahay Xiisad heerkii ugu sareysay ah, waxaana adag in la ogaado sidda ay xaaladu tahay.

Saraakiil katirsan labada dhinacba waxay cadeeyeen in uu jiro khasaare leh, dhimasho, dhaawac iyo Hanti la kala qabsaday intii uu socday dagaaladii xooga badnaa ee maanta dhacay.

Wararku waxay sheegayaan in tiradda dhimashada guud ay isku tahay 45 qof kuwaas oo ah dhinacyadii ku dagaalamay dagaalka maanta, dhaawacyada ayaa gaaraya isku dar guud in ka badan 75 Askari.

Gurmadyo xoog badan ayaa u imaanaya dhinacyada Puntland iyo Somaliland, waxaana meel adag gaaray xiisadda oo dagaal rasmi ah hadda isku bedeshay.

Ciidanka Somaliland ayaa hub culus ku garaacay deegaanada lagu dagaalamay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this