Sign in to follow this  
Deeq A.

A/Madoobe oo sheegay waxa ay ka doonayaan dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo weli ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay waxyaabaha laga doonaayo Dowlada Somalia ee aan wali la qaban.

Axmed Madoobe oo qeyb ka ah Shirka Hogaamiyayaasha maamulada uga socda magaalada Baydhabo, ayaa sheegay inay muhiim tahay in Dowlada Somalia ay si hufan u qabsato waxyaabaha ay ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu Axmed Madoobe sheegay in Dowlada Federaalka ay lumisay dhammaan waxyaabaha aasaasiga sida Amniga gudaha iyo Gobolada dalka, Siyaasad wanaaga iyo la dhaqanka Dowladaha Saaxiibada ah.

Wuxuu Madoobe tilmaamay inaanu adduunka ka jirin Dowlad aan laheyn xiriir saaxiibtinimo, waxa uuna meesha ka saaray iskaba daaye inay dalka ka Sifeyso cadowga, waxa ay xumeyneysaa ayuu yiri Dowladaha ay ciidamada ka joogan Somalia.

‘’Dowlada waxaa laga doonayaa ka hor inta aysan arkin Maamul Goboleedyada inay aragto shaqooyinkeeda oo aad u hooseeya, waxaanu su’aal ka qabnaa cida ay Dowlada ku haleyneyso amniga Gobolada’’

‘’Waad la soctaan in al-Shabaabku heysto inta aan ka aheyn caasimadaha maamulada, waxaaba suuragal ah inay ku dhex noolyihiin xitaa goobaha ay ka taliso dowlada ee caasimada dhexdeeda ah’’

‘’Anagu dowlada waxaan ka dooneynaa inay kasoo baxdo wixii lagu doortay waa inay la imaadaa qabashada waxa laga doonaayo’’

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay ilowday inta badan mas’uuliyadii saarneyd, balse waxa uu sheegay inay siin doonaan fursad waa haddii laga nabadgalaayo.

Sidoo kale, Madoobe waxa uu soo jeediyay in Dowlada Federaalka ay xooga saarto qabashada waxa laga sugaayo ka hor inta aanu ku degdegin shaqooyinka maamulada.

Si kastaba ha ahaatee, haddalka Axmed Madoobe ayaa u muuqanaaya mid weerar dadban ku ah Dowlada Somalia oo Siyaasad ahaan ay iminka is hayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this