Sign in to follow this  
Deeq A.

C/weli Gaas ‘’Gobolada waxaa wada heysta Shabaab ma aragno ballantii ay qaaday Dowlada Farmaajo’’

Recommended Posts

Deeq A.   

Beydhabo (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay si cad uga gaabisay la dagaalanka maleeshiyaadka al-Shabaab.

Gaas, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay heysato ciidamo ku filana hadana uusan garankarin sababta ay al-Shabaab usii heystaan Gobolada qaar ee dhaca Somalia.

Waxa uu Hoggaamiye Gaas sheegay in dowlada Somalia laga doonaayo inay cadeyso sababta ay al-Shabaab uga saari la’dahay Gobolada ugu muhiimsan.

Waxa uu sheegay in shirkas uu yahay mid looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin amniga,isl;a markaana dalaka Soomaaliya qeybaha ugu badan asyan xor aheyn oo ay Al-Shabaab heystaan.

Waxa uu sheegay in waxyaabaha lag tashanayo ay qeyb ka yihiin sidii dalka loo xurreyn laha taas oo ay ku jirto dowladnimada sida uu hadalka u dhigay.

‘’Waxaan suuragal noqoneynin in Dowladii oo awood leh ay al-Shabaab kusii nagaadan Gobolada ugu muhiimsan dalka, waxaa arrintaas laga doonayaa inay cadeyso dowlada Somalia’’

‘’Rajada aan qabnay waxa ay aheyd inaan Shabaab ka xoreyno Somalia, gaar ahaan Gobolada balse iima muuqato xoreyn’’

C/weli Gaas, waxa uu sheegay in Dowlada Somalia looga fadhiyo ka hadalka sababta ay al-Shabaab uga sifeyn la’ dahay Somalia, waxa uuna cadeeyay in ballanqaadka Madaxweyne Farmaajo uu ahaa in Gobolada la xoreynaayo.

‘’Farmaajo horay ayuu u sheegay inay xoreynayaan Gobolada hase ahaatee ma aragno Gobol la xoreynaayo dowlada ayaa laga doonayaa taas’’

Haddalka C/weli Gaas, ayaa kusoo beegmaaya xili inta badan Gobolada dalka aanu ka jirin Amni ku filan, halka qaarna ay heystaan al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this