Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Madaxda Maamullada ee Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimadda Online) – Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed uu ka fumo Shirka Madaxweyne-yaasha maamul goboleedyadda, kaasoo looga hadli doono arrimo dhowr ah.

Ajandooyinka kulanka diiradda lagu saari doono waxaa kamid ah, xiisada Khaliijka iyo go’aankii xukuumada Muqdisho ka qaadatay, xaalada amaan ee dalka guud ahaan, fatahaadaha Wabiyada iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Madaweyne-yaasha shanta dowlad goboleed, ayaa guud ahaan gaarey shalay Baydhabo, iyagoo xalay xarunta madaxtooyadda Koonfur Galbeed ku yeeshay kulamo gooni-gooni ah iyo kuwa wadajir ah.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka waxyaabaha lagu fallanqeyn doono ay kamid yihiin amniga, bini’aadanimada iyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda Federaalka.

“Marka la dhaho, Madaxda maamulada ayaa kulmaya, dadka inta badan maskaxdooda waxaa kusoo dhaca siyaasad, ee ma ahan sidaas, waxaan kaloo ka hadleynaa horumarka dalka, dhibaatada Shabaab iyo xasiloonida dalka,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa isana sheegay in kulankaan uusan ahayn mid lagu burburinayo Soomaaliya, laakiin kawada xaajoon doonaan wax walbo oo dan u ah Shacabka Soomaaliyeed.

“Kulankaan aan isugu nimid ma ahan mid dhibaato wada, waa mid faa’ido ah. Hadii ALLE raali ka noqdo, waxaan rajeynayaa in kulanku uu noqdo mid ay kasoo baxaan danta, Dalka, Dadka iyo Diinta,” ayuu Axmed Madoobe tilmaamay.

Dhinaciisa, Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare oo isana qadar kooban wareysi siiyay wariye-yaasha ayaa  tilmaamay inuu rajeynayo in shirka mudada uu socdo ay xooga ku saaraan wax walba oo muhiim u ah dalka

“Amniga wuxuu noqon doonaa ujeedada 1aad, maadaama Al-Shabaab yihiin kuwa dhibaatada ugu badan ku haya Shacabka, sidaas darteeda kulankaan waxaan ka rajeynaynaa inuu noqdo mid wax ku ool ah oo ka hadla arrintaas,” ayuu Waare tilmaamay.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Puntland, kaasoo isana kamid ah madaxdii gaartay halkaas, ayaa isana carabka ku dhuftay in shirkaan qodobada looga hadli doono ay yihiin kuwa ay u arkaa inay ku jirto mas-laxada umada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ma uusan la hadlin warbaahinta markii uu ka degay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

Mid walba oo kamid ah hogaamiyaashan ma uusan soo hadal-qaadin khilaafka mudooyinka dambe soo ifbaxay, ee qaarkooda kala dhaxeeya dowlada Federaalka iyo xiisadda Khaliijka, laakiin waxaa la sheegayaa inuu Ajande-yaasha uu kamid yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this