Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoyska askari Kenya looga dilay Soomaaliya oo ka sheekeeyay qaabkii wiilkooda loo dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Isbuuc Kadib oo askar Kenyaantiga ah lagu laayay qarax ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya ayay baroortu kasoo yeeraysaa shacabka Kenya ee wiilashooda usoo diray dagaalka ka socda gayiga soomaaliyeed.

Qoyskaan kenyaatiga oo ku nool magaalada kiliifi oo 56 kiloowmitir waqooyi bari uga began magaalada Mombasa ayaa shaaca ka qaaday in mid ka mid ah wiilashooda oo ka tirsanaa Mellatariga Wadanka Kenya uu ku dhintay qaraxii isbuucii la soo dhaafay ka dhacay xadbeenaadka kala qaybiya Kenya iyo Soomaaliya .

Qoyskaan oo saxaafada wadanka Kenya la hadlay ayaa sheegay in wiilkooda oo lagu magacaabo Heenri Mataano oo da’diisu ay aheyd 51 jir uu ka mid ahaa 12 askari oo ka tirsanaa malatariga Kenya kuwaasi oo lagu dilay qarxii ka dhacay duleedka magaalada dhoobleey .

Askarigan kenyaatiga ah ee la dilay ayay qoyskiisu sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada deggan xerada millatari ee Niyaali ee ku taalla magaalada Mombasa , waxaa ay sidoo kale sheegeen in uu kusoo wajahnaa gudaha wadanka Kenya kadib markii uu soo dhameystay wax ay ku tilmaameen howllo uu ka hayay gudaha Soomaaliya .

Qoyska askarigaan ka tirsanaa Melleteriga  Kenya ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin qaabkii ay u noolaan lahaayeen maadaama uu Askarigaan ahaa qofka kaliya ee biilka reerka bixin jiray .

Hrikeel Haari, oo ah armalada Askarigaan la dilay oo u warrantay Saxaafadda ayaa sheegtay in markii ugu dambesay ee ay ninkeeda la hadasho ay aheyd habeenkii sabtiga aheyd balse ay si wanaagsan isku maqli waayeen sababao la xariiri anteenada telefoonka oo aan wanaagsaneen balse uu maalintii Axada aheyd ee ku xigtay geeriyooday

“waxaan aad uga murugsanahay sidii aan u korin lahaa waxna u bari lahaa 5 Carruur ah ee aan dhalnay, Aabohood waxaa uu lahaa himilooyin aad u waa weyn oo ku aaddan carruurtiisa 5-ta ah ” ayey hadalkeeda sii raacisay

Qoyska Askarigaan kenyaatiga ee ku dhintay Qaraxa Al Shabaab  kula beegsadeen duleedka Magaalada Dhoobleey ayaa sheegay in wiilkooda uu ku biiray Ciidanka Kenya sanadkii 1989-kii ,uuna ciidamada ka tirsaan muddo 29 sana ah .

Sidoo kale nin saaxiib dhow la ahaa Askarigaan dhintay oo magaciisa ku sheegay kombo mawasudi ayaa isaguna saxaafada u sheegay in taleefoon looga soo diray Saldhiga Ciidanka Niyaali iyadoona lagu wargaliyaya geerida Saaxiibkiisa .

“Inta badan aniga iyo Heenri waxaan isku raaci jirnay xerada niyaali ee magaalada Mombasa, halkaasi oo uu isagu ka shaqeyn jiray, markii uu qaraxa ka dhacay Somaliya teleefon ayaa waxaa ii soo diray Askar kale oo igu wargaliyay weerarka dhacay iyo geerada saaxiibkey ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mawasud”i .

Wargeyska The IStaandar ee ka soo baxay wadanka Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan 2 qoys oo kale oo kenyaati ah oo ku dhaqan Mombasa oo uu ku jiro qoys deggan deegaanka Mawakirunge ayaa sheegay in qaar ka mid ah qaraabadooda oo ka mid ah ciidanka Kenya ay ku dhinteen qarax ka dhacay duleedka magaalada dhoobleey .

Melleteriga Kenya ayaa khasaara lagu gaarsiiyay dagaallada ka holcaha gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, weerarada dhabbagallada ah, qaraxyada iyo weerarada xoog kugalka ah ee Al Shabaab ku beegsado melleteriga KDF ayaa dhaliyay dhimashada boqolaal askari.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this