Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Somalia oo lumineysa qeybo kamid ah gobolada dalka iyo sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolada dalka ayaa sheegaya in qeybo kamid ah dhufeysyada ciidamada Dowlada ee Goboladaasi ay yihiin kuwo haawinaya.

Ciidamada Dowlada oo la kulmaaya dhibaatooyin isbiirsaday oo ay kamid tahay mushaar la’aan, ayaa maalinba maalinta xigta kasii baxaaya dhufeysyo hor leh.

Ciidamada oo badi ka cabanaaya Hub la’aan ayaa dib ugu soo laabanaaya magaalada Muqdisho, sababo la xiriira isku filnaan la’aan iyo gurmad aanu ka helin dowlada xiliyada ay la kulmaan hujuumka.

Dhufeysyada ugu badan oo ay faarujiyeen ciidamada ayaa waxa kamid ah kuwa Gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan qeybo kamid ah Degmada Awdheegle oo inta badan ku jirta gacanta al-Shabaab.

Maleeshiyaadka al-Shabaab oo dib u hananaaya Dhufeysyada ay horay uga qabsadeen ciidamada ayaa iminka xiliyada Habbeenkii weerar ku qaada Saldhigyada ay Gobolka kaga sugan yihiin ciidamada Dowlada.

Sidoo kale, Dowlada Federaalka ayaa dhumineysa Dhufeysyadii ay ku laheyd Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana iminka intooda badan gacanta ku haya maleeshiyaadka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa intabadan ciidamada dowlada kasoo saareysa Gobolada, iyadoo qorshaha uu yahay mid u muuqda inay gacanta ku dhigto kala bar maamulka Gobolada.

Ma cadda waxa la gudboon Dowlada waxaana xusid mudan in talaabadaani ay kusoo beegmeyso xili dhawaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka ay ku goodiyeen inay qaadi doonaan weeraro ka dhan ah al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this