Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabab oo iclaamisay dagaal ka dhan ah Turkiga “Farqi uma dhaxeeyo Turkiga iyo Kenyaatiga”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska ciidamada Xarakada Shabaabn ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ka dhacay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab oo ah Afhayeenka ciidamada Al- Shabaab ayaa shir Jaraa’id ku sheegay in wax farqi ah uusan u dhaxeyn askariga Turkiga ah iyo Midka Yugaandheyska ah ee jooga dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladda Turkiga oo xubin  ka ah isbaheysiga NATO ay duullaan gardarra ah kusoo qaadday dalka Soomaaliya sidaas daraadeed ay si isku mid ah ula dagaallamayaan ciidamada Turkiga iyo kuwa AMISOM.

Sheekh Abuu Muscab wuxuu shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in dhowr madfac ay laheleen gudaha saldhigga melleteriga Turkiga ee magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inay jiraan  khasaara soo gaaray ciidamadii ku sugnaa gudaha saldhigga.

Saraakiil ka mid ah Somalida ku sugan saldhigga Turkiga ayaa Mustaqbal Radio u sheegay in aysan jirin khasaare ka dhashay weerarkii lagu qaaday Xarunta Tababarka Turkiga ee Magaalada Muqdisho.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka kasoo yeeray Shabaab

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this