Sign in to follow this  
Deeq A.

Madeira oo isbarbar dhigay guulaha ay DF ka gaartay arrimaha siyaasada iyo amniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Mr Francisco Madeira ayaa shaaca ka qaaday in Midowga Africa ay dib u eegayaan isbedelada Siyaasadeed iyo mida Amni ee ka jirta Somalia.

Francisco Madeira, ayaa sheegay inay dareemayaan isbedel weyn oo ka jira Somalia, dhinacyada Amniga iyo Siyaasada, waxa uuna carab ***** in isbedelkaasi uu yahay mid muuqda.

‘’Waxaanu dooneynaa inaanu dib u daraaseyno Amniga iyo Siyaasada Somalia, waxaanu dareemeynaa isbedel ka jira Somalia’’

Francisco Madeira, waxa uu sheegay in isbedelka ugu weyn uu yahay mid ka jira dhanka amniga, waxa uuna carab ***** in taa ay tahay mid ka turjumeysa guulaha ay ciidamada Midowga Africa usoo hoyiyeen Somalia.

Ciidamada Dowlada Somalia ayuu sheegay inay kasoo kabsanayaan halkii ay dhowr sano ka hortaagnaayen, isagoo taa ku sheegay iskutashiga Somalia.

Saraakiisha iyo Ciidamada Midowga Africa ayuu sheegay inay isgarbtaagayaan ciidamada Somalia, inta ay Somalia kusii sugan yihiin maleeshiyaadka al-Shabaab ee aadka uga soo horjeeda Nabadda Somalia.

‘’Waxaa inoo harsan inaan awooda ugu badan siino ciidamada Somalia, qeybahooda kala duwan, waayo waxaa lagu jiraa xiliga ay dowlada Somalia la wareegi laheyd amniga guud ee Somalia’’

‘’Waa xaqiiq Somalia wey heysataa ciidamo ku filan oo hanakara amniga Somalia oo idil, keliya waxaan u baahanahay inaanu tixraacno Jadwalka aan kusoo afmeeri laheyn ka bixitaankeena Somalia’’

Midowga Africa, ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay la imaado dadaal dheeri ah oo dhabaha u xaari kara Somalia oo gabi ahaan ku jirta gacanta Dowlada.

Sidoo kale, magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furmay shir looga hadlaayay qorshaha dib u habeynta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ay  ka qeybgaleen wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, danjirayaasha wadamada safaaradaha ku leh dalka, wakiil ka socday UNDP, Wasiirrada amniga maamulgoboleedyada hoosyimaada dowladda iyo Saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM.

Haddalka Francisco Madeira, ayaa kusoo beegmay xili Midowga Africa uu ka shaqeynaayo sida Somalia looga dulqaadi lahaa ciidamada AMISOM isla markaana amniga loogu wareejin lahaa ciidamada dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this