Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerarkii Saldhiga Turkiga oo bilow u noqon doona Dagaal dhexmara Turkiga & Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay xoojineyso xiriir Siyaasadeedka iyo midka amaan ee kala dhexeeya Dowlada Somalia.

Turkiga ayaa sheegtay in weeraradii shalay lagu qaaday Saldhigooda ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho ay ka baran doonaan casharo, isla markaana ay sii dhiiri galineyso howlaha ay u hayaan Qaranka Somalia.

Waxa uu Turkigu sheegay inaanu weerar kaga imaada al-Shabaab aysan u joojin doonin isgarabtaaga Qaranka Somalia, isla markaana ay dagaal toosa la gali doonaan Shabaab, waa haddii uu arrinku sidaa kusii socdo.

Dowlada Somalia ayey sheegtay Turkiga inay ka garab istaagi doonto sida lagu soo afmeeri lahaa haraadiga al-Shabaabka ee ku sugan daafaha magaalada Muqdisho, iyadoo loo adeegsanaayo awoodo lamid ah tan ay adeegsanayaan.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidanka Turkiga ee jooga Somalia ay dagaal ku soo qaadeen Somalia islamarkaana ay la dagaalamayaan, si lamida ciidamada Ugandha.

C/Casiis Abuu Muscab, Afhayeenka dhinaca howlgallada al-Shabaab ayaa sheegay in Askarta Turkiga ka jooga Somalia aysan al-Shabaab uga duwaneyn kuwa Uganda,Ethiopia iyo Kenya ee ku jira howlgalka AMISOM.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Turkiga ay xubin ka tahay Isbaheysiga NATO ee uu Mareykanka hoggaamiyo islamarkaana ay duullaan ku soo qaadday Soomaaliya.

Abuu Muscad ayaa sheegay in ay Ciidamada Turkiga ula dagaallamayaan sida ay ula dagaallamaan kuwa AMISOM ka socda ee jooga Dalka.

Haddalkaan ayaa kusoo beegmaaya xili maleeshiyada al-Shabaab ay Saldhiga Turkiga ee duleedka Muqdisho ku qaaday weerarkii ugu horeeyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this