Sign in to follow this  
Deeq A.

3,884 ardey oo maanta Bosaso loogu daahfurey Imtixaanka Shahaadiga ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Puntland ayaa maanta si rasmiya ugu daahfuray magaalada Boosaaso Imtixaanka shahaadiga ee fasalka afaraad dugsiga sarre iyo fasalka 8aad ee dugsiga dhexe ka dib munaasabad lagu qabtey xarunta dugsiga sarre ee Bosaso Public Secondary, waxaana kasoo qeybgalay maamulka Gobolka Bari,Maamulka Degmada Bosaso iyo Bahda Waxbarashada Gobolkaas.

Guud ahaan ardeyda u fariisatey imtixaanka ayaa gaareysa 15 kun oo isugu jira wiilal iyo gabdho, Iyadoona si rasmiya maanta Imtixaanku uga bilowday 100 xarumood oo ku kala yaala sagaalka gobol oo ay ka kooban tahay Puntland.

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Bari Shamis Muuse Koonte ayaa ka warbixisay habsami u socodka waxbarashada waxayna sheegtay in tirada ugu badan ee ardeyda Puntland wax ka barato Gobolka Bari iyadoona ku sheegtay tirada guud ee maanta imtixaanka u fariisatay 1341 oo arday dhigata dugsiga sare, halka dugsi dhexena ay u fariisteen 2543, waxayna noqonaysaa guud ahaan tirada guud ee Gobolka Bari waa 3884.

IMG_2148-524x349.jpg?resize=865%2C576Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Puntland, Dr. Maxamed Cali Faarax, ayaa Ardayda kula dardaarmay inay Imtixaanka si degan u galaan, islamarkaana ay  ku kalsoonaadan Aqoonta ay barteen.

Mar uu ka hadlayay muhiimada Imtixaamka shahaadiga wuxuu sheegay inuu kaalin mug leh ka qaato tayada waxbarashada Puntland, islamarkaana uu ku abuuro jawi tartan oo dhexmara ardeyda qalinjabinaysa, tartan dhexmara goobaha waxbarashada,maamulayaasha,macalimiinta,waalidiinta iyo madaxda Gobolladda.

Ugu dambeyntiina wuxuu si rasmiya u daahfurey wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada Puntland imtixaanka shahaadiga ee ka bilowday xarunta Gobolka Bari ee magaalada Bosaso.

IMG_1959-524x349.jpg?resize=868%2C578 IMG_1964-524x349.jpg?resize=869%2C579 IMG_1981-Copy-524x349.jpg?resize=869%2C5 IMG_1986-524x349.jpg?resize=866%2C577 IMG_1994-524x349.jpg?resize=868%2C578 IMG_2002-Copy-524x349.jpg?resize=835%2C5 IMG_2014-Copy-524x349.jpg?resize=992%2C6 IMG_2015-524x349.jpg?resize=838%2C558 IMG_2029-524x349.jpg?resize=866%2C577 IMG_2050-524x349.jpg?resize=842%2C561 IMG_2077-524x349.jpg?resize=866%2C577 IMG_2104-524x349.jpg?resize=857%2C571 IMG_2111-524x349.jpg?resize=866%2C577 IMG_2128-524x349.jpg?resize=869%2C579 IMG_2133-524x349.jpg?resize=876%2C583 IMG_2148-524x349.jpg?resize=866%2C577 IMG_2159-524x349.jpg?resize=826%2C550 IMG_2178-524x349.jpg?resize=841%2C560 IMG_2182-524x349.jpg?resize=989%2C659 IMG_2196-524x349.jpg?resize=866%2C577 IMG_2208-524x349.jpg?resize=892%2C594 IMG_2290-524x349.jpg?resize=869%2C579Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post 3,884 ardey oo maanta Bosaso loogu daahfurey Imtixaanka Shahaadiga ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this