Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xafiiskiisa Ku qaabilay Michael Keating.

Recommended Posts

Deeq A.   

 

333.jpg?resize=640%2C393Keating iyo Gaas 12 May 2018 madaxtooyada Garoowe

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa Maanta xafiiskiisa Kulan kula qaatey Wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating.

Kulankaan madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali uu la qaatay Michael Keating ayaa waxaa ku weheliyay xubno ka tirsan Golaha xukuumadda iyo saraakiisha sare ee madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Gaas iyo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating oo ku kulankaasi kadib warbaahinta uga warbixiyay qodobada ay ka wada-hadleen,ayaa si wadajir ah u sheegay in kulankoodu ku saabsanaa, arrimaha amniga,siyaasadda iyo horumarka Soomaaliya arrimaha Dastuurka iyo Federaalismka.

Sidoo kale waxay sheegeen in ay ka wada-hadleen amniga Gaalkacyo,Xiisadda ka taagan degaanka Tukaraq ee u dhexaysa Puntland Somaliland iyo doorashada Puntland ee sannadka 2019,balse faahfaahin dheeri ah kama bixin qodobadan.

Halkan ka daawo muuqaalka.

 

55.jpg?resize=640%2C376 66.jpg?resize=640%2C362 333.jpg?resize=640%2C393 444.jpg?resize=640%2C365

PUNTLAND POST

 

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xafiiskiisa Ku qaabilay Michael Keating. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this