Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ku dhawaaqay baaritaanka xaqiiqda dadkii lagu laayay weerarkii Shabeellaha hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay baareyso weerar ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose oo la sheegay inay ku dhinteen dad shacab ah.

Saraakiisha Militeriga Mareykanka ayaa sheegay in Ujeedka weerarka uu ahaa Al-Shabaab, balse ay heleen xogo muujinaaya inay ku dhinteen dad shacab ah.

Saraakiisha Ciidamada Militariga Maraykanka ayaa sheegaya in si dhab ah u qaadanayaan wararka sheegaya in dad rayid ah lagu laayey weerarka ay ka geesteen Gobolka Shabellaha Hoose.

Maraykanka ayaa si dhow ula shaqaynayey ciidamada Militariga Soomaaliya asagoo gacan ka siinaya dagaalka ka dhanka ah kooxaha jihaad doonka ah.

War qoraala oo kasoo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ayaa waxaa lagu sheegay inay ku dhaqaaqayaan baaritaan degdeg ah oo lagu xaqiijinaayo weerarka.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in baaritaanka socda lagu eegaayo dhinacyo badan, maadaama dadka la dilay ay noqon karaan al-Shabaab loo muuqaal ekeysiiyay Shacab.

Qaar kamid ah Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in dagaallamayaal ka tirsan mintidiinta Al Shabaab ay mararka qaar beertaas u isticmaali jireen saldhig ahaan, loona badinaayo in dadka dhamaaday ay iyaga ahaayen.

Docda kale, Waxgaradka iyo Odoyaasha dhaqanka ee degmada Afgooye, ayaa sheegay in la dilay shan qof oo beeraleey ah intii uu socday hawlgalka oo dhacay habeenimadii arbacada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this