Sign in to follow this  
Deeq A.

Saldhiga uu Turkiga ku leeyahay Muqdisho oo duqeyn xoogan loo geystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War kasoo baxay maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa waxaa goordhow lagu sheegay in duqeyn Hoobiyayaal ah ay Saaka la beegsadeen saldhigga dowladda Turkiga ay ku leedahay duleedka Magaalada Muqdisho.

Maleeshiyada ayaa sheegtay in dhowr Hoobiyayaal ah ay ku garaaceen Saldhiga oo lagu tababaro ciidamo ka tirsan dowlada Somalia, isla markaana ay ku sugan yihiin Saraakiil Turki ah.

Maleeshiyada al-Shabaab  waxa ay sheegtay in tirada Hoobiyayaasha ay ku dhufteen Saldhiga ay tahay ilaa 13 Hoobiye.

Maleeshiyada ayaa sheegtay in Hoobiyayaasha ay ku tuureen Saldhiga xilli  heegan la gelinaayay Ciidamada Soomaalida ee halkaasi lagu tababaro, waxa ayna tilmaameen in dhowr xabo ay ku dhacday gudaha Saldhiga.

Shaafici Xasan oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Saaka xili hore uu maqlaayay jugta Hoobiyayaasha dhowr ah, inkastoo uu sheegay in xiligaa uusan ogeyn halka ay duqeynta ku soctay.

Ma cadda Khasaaraha ka dhashay duqeynta waxaana sidoo kale duqeynta aan weli ka hadal Dowladaa Federaalka iyo Saraakiisha maamusha Saldhiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this