Sign in to follow this  
Deeq A.

USA oo War ka soo saartay Duqeeyn Dad Rayid ah ay ku dhinteen Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay weerarkii todobaadkaan gudihiisa ka dhacay duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo Afrikom ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay fuliyeen Ciidamadda kumaandooska Dowladda Soomaaliya, islamarkaana uu Mareykanka ku lahaa taageero iyo latalin si loogu hortaga Al-shabaab.

“Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa eedaha ku saabsan in dad rayid ah ku waxyeeloobeen howlgalka, eedaha ku saabsan rayid waxyeelo soo gaartay taliska AFRICOM dib ayuu u eegayaa, haddii warbixinta ay tahay mid la qaadan karo oo huban, US AFRICOM waxay qaadan doontaa tallaabo xigta” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika.

Weerarkii ka dhacay Tuuladda Macalin-ka duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in lagu dilay shan ruux oo shacab ahaa, waxaa sidoo kale lagu dhaawacay 5-kale.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay howlgalkii ka dhacay deegaanka Bariire ayaa sheegtay in lagu dilay 3-sarkaal oo ka tirsanaa  Shabaab.

PUNTLAND POST

The post USA oo War ka soo saartay Duqeeyn Dad Rayid ah ay ku dhinteen Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this