Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Kheyre oo shaaciyey qorshe ay waddo DF Somalia oo QM ay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadiisu ay wado qorsho Somalia looga qaadayo cunaqabateynta Hubka ee saaran.

Kheyre waxa uu sheegay in dhawaan uu Xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaaran oo ka socday Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan cuna-qabataynta Hubka Soomaalliya, waxa uuna tilmaamay in kulankooda uu kusoo dhamaaday guul.

Ra’isul wasaare Kheyre, waxa uu tilmaamay in Xukuumadiisu ay xoog saareyso qorshaha Somalia looga qaadayo cuna-qabateynta Hubka ee saran Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in saaxiibada Somalia ay aad usoo dhaweeyen hanaanka ay dowlada Somalia ku xaqiijineyso amniga.

Waxa uu sheegay in Xukuumadiisa lagu amaanay sida ay u wajaheyso amniga dalka, waxa uuna ballanqaaday in mudada uu hayo xilka ay Somalia ka xoroobi doonto cuna-qabateynta Hubka ee weli saran.

‘’Horayna waan u wadnay dadaalka hadana waanu wadnaa waxaan ku rajo weynahay aniga iyo Madaxweynuhuba inaan Somalia ka saarno liiska dalalka laga mamnuucay Hubka ee la saaray cunaqabateynta’’

‘’Xukuumadeydu waxaa koow u ah Somalia oo heshaa Hub ay isaga difaaci karto Kooxaha xagjiriinta Shabaab, waxaana kusoo xiga dalka oo lagu faafiyaa amniga nooca ay dooneyso dowlada Somalia’’

Kheyre waxa uu sheegay inay u harsan tahay waxyar si Somalia looga qaado cunaqabateynta Hubka ee saran, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in Somalia ay heleyso Hub ay isaga xoreyso xagjirka.

Sidoo kale Hubka ayuu sheegay inay isaga xoreynayaan maleeshiyaadka al-Shabaab oo uu sheegay inaan looga adkaan Karin Somalia oo cuna-qabateyn saran.

Haddalka Kheyre ayaa imaanaya xili ay dowladihii hore ee soo maray dalka ku guul dareysteen inay Somalia ka saaran liiska wadamada la saaray Cuna-qabateynta Hubka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this