Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo warbixin xasaasi ah kasoo saaray haddii duqeymihii asbuucaan dhacay lagu dilay dad shacab ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay milatariga Mareykanka ayaa lagu sheegay inay eegayaan warar ku saabsan in dad shacab ah lagu dilay weerar ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya.

Qoraalkan kasoo baxay taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka qeyb galeen howlgal ay ciidamada Soomaaliya hoggaaminayeen oo lagu kala dhantaalay shabakad Al-Shabaab ah, kaasi oo ka dhacay deegaanka Bulcida ee Soomaaliya, 9-kii May.

“Waxaan ka warhaynaa tuhun ku saabsan in khasaare dad rayid ah uu ka dhashay weerarkaas, waxaana warbixinnadan u qaadaneynaa si dhab ah. Waynu eegi doonaa akhbaaraadka ku saabsan dhacdadan, haddii aan helno in eedeymahan ay yihiin kuwa sax ah, waxaa taliska AFRICOM uu qaadi doonaa tallaabooyinka xiga ee ku habboon” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in wasaaradda gaashanadhigga Mareykanka ay ka go’an tahay inay ka hortagto halista argagixisada dunida, ayna taageeri doonto dalalka gobolka ee arrintana awoodda u leh. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in taliska AFRICOM uu ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom kula midoobay ka hortagga argagixisada.

Hadalkaan kasoo baxay taliska Mareykanka ayaa kusoo aadayo xilli Muqdisho la keenay meydad iyo dhaawacyo dad shacab ah oo kusoo wax yeeloobay duqeymo ay ciidamada Mareykanka iyo Kuwa Soomaalida ka geysteen meel u dhow Bariire.

Waxaa bilooyinkaan soo badanayey duqeymaha ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ay ka geysanayaan Soomaaliya, waxaana mararka qaar dhacdo inay duqeymahaas la beegsadaan dad shacab ah.

Duqeymahaan laga fuliyo Soomaaliya ayaa saameyn xoog leh ku yeelatay awooddii Shabaab ee Shabeelada hoose, waxaana lasoo sheegayaa in firxadda Shabaab uu gaaray qeybo kamid ah Gobolada Dhexe.

Dowladda Mareykanka ayaa hoggaamiyaal iyo taliyaal ka tirsan Shabaab ku dishay duqeymaha Soomaaliya, waxaana mararka qaar lagu eedeeyaa inaysan u meel dayin duqeymaha ay fuliso.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this