Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar askari oo uu ku jiro sarkaal sare oo caawa lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil caawa askar ka tirsan ciidamada dowladda Somalia loogu geystay magaalada Muqdisho.

Dilka oo ka dhacay xaafadda Seybiyano ayaa waxaa loo geystay 4 ka tirsan ciidamada dowladda Somalia oo kusugnaa qeybo kamid ah xaafadaas.

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in askarta la dilay uu ahaa mid sarkaal halka sadexda asakri ee kale la sheegay inay ilaalo u ahaayeen sarkaalka sida ay ku warameen dadka xaafadaasi ku nool.

Maleeshiyaad bistoolado ku hubeysnaa ayaa dilka fuliyay kuwaas oo tiradooda lagu sheegay ilaa 3 dhallinyaro ahaa.

Gacan ku dhiiglayaasha ayaa dilka kadib goobta ka baxsaday waxana halka uu dilka ka dhacay gaaray ciidamada ammaanka oo baaritaano ka sameeyay inkastoo lagu soo warramayo inaysan jirin cid ay usoo qabteen dilka askartaasi.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka caawa loo geystay sarkaalka iyo ilaaladiisa waxayna sheegeen in sarkaalka uu ka tirsanaa ciidamada Alfa Group ee sida gaarka ah u tababaran.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusii kordhaya dilalka qorsheysan ee ay geysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this