Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas oo sheegay in dhowaan lagu dhawaaqi doono shirkadda dhisaysa dekedda Bosaso

Recommended Posts

Deeq A.   
Abdiweli-Ali-Gas.jpg?resize=640%2C421Madaxweyne Gaas oo warbixin siinaya xukuumadda 10 May 2018

Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo maanta warbixin siinayay shirka Khamiislaha ee Golaha xukuumadda ayaa sheegay, in dhowaan lagu dhawaaqi doono shirkadda dhisaysa dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku celiyay in dalka Imaaraadka Carabtu sii xoojinayo iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarka ee degaannada Puntland,taasoo uu sheegay in ay ballan qaadeen madaxda sare ee waddanka Imaaraadka Carabta oo uu todobaadkii hore safar ku tegay madaxweyne Gaas.

Cabdiweli Gaas oo Golaha xukuumadda  warbixin ka siiyay safarkii Imaaraadka ayaa dhinaca kale sheegay in uu madaxda dalkaasi kala soo hadlay xoojinta midnimada Soomaaliya iyo fududeynta arrimaha socdaalka,islamarkaana dhammaan qodobadii uu kala hadlay is-faham iyo guul ku soo dhammaadeen.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Gaas oo sheegay in dhowaan lagu dhawaaqi doono shirkadda dhisaysa dekedda Bosaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this