Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil ka tirsan Shabaab oo xalay lagu arkay Baxdo iyo Galmudug oo ka hadashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay Ciidamo ka tirsan Xarakada AL-shabaab oo xalay qabsaday degaanka Baxdo ee Gobolka Galguduud.

Saraakiisha Ciidanka Galmudug ee degaankaas ayaa sheegay in xalay Ciidamo ka tirsan AL-shabaab ay qabsadeen degaanka islamarkaana ka khudbeeyeen iyaga oo markii dambana iskood uga baxay.

Taliyaha Booliska Galmudug ee degaanka Baxdo oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in Ciidankii Galmudug ee ku sugnaa degaankaas ay isaga baxeen markii ay AL-shabaab galayeen Magaalada.

Waxaa uu xusay in ay Al-shabaab magaalada ku galeen labo Gaari oo kuwa dagaalka ah kuwo kalena dhigteen banaanka Magaalada islamarkaana ay dadka kala haldeen masaajid ku yaalla Degaanka Baxdo.

Waxaa uu intaas ku daray in AL-shabaab ay dadka degaanka uga digeen la shaqeynta Maamulka Galmudug iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,nus saac kaddibna ay isaga baxeen degaankaas.

Taliyaha ayaa sheegay in ay dib ugu laabteen degaanka oo uu sheegay in markii hore ay xeelad dagaal uga baxeen maaddaama ciidan u babac dhigi kara AL-shabaab aysan degaankaas u joogin Galmudug.

Al-shabaab ayuu sheegay in ay ka baxeen markii hore degaanka Xiindheere oo ka tirsan isla Galguduud Baxdana u jirta 80 ilaa 100km, waxyar kaddibna ay dib ugu laabteen halkii ay markii hore ka duullaan tageen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this